Somali News
    Hees  

Ka jawaabid hadlkii ka soo yeeray horjooge Al-shabaab ah: Maandhow Ixsaanka Lagama Tago Eed Haddaad Galeysid  !

Gothenburg Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ka jawaabid hadlkii ka soo yeeray horjooge Al-shabaab ah: Maandhow Ixsaanka Lagama Tago Eed Haddaad Galeysid  !

 

وَ لَا تَحْسِبَنَّ الْلَّه غَا فِلًا عَمَّا يَعْمَلُ الْظَّالِمُوْنَ إِنَّمَا يُؤَخِرُهُمْ لِيَوْمٍ تَشْخَصُ فِيْهِ الْأَبْصَارُ.

as cl wr, dhammaan ummadda soomaaliyeed !
salaam ka dib, waxaan rabaa in aan u caddeeyo ummadda soomaaliyeed in aan  ka mid ahay dadka ay wax yeellada ka soo gaartay qaab dhaqanki xooxdi al-ashraar al-mufsidiin (self baptised al-shabaab al-mujaahidiin).

gaar ahaan axadkan meesha looga faalloonayo.
aniga uma hadli karo dhibbanayaasha kale (the other victims), balse waxa aan is weyddiiyaa keebaan raacaa dareenkeyga iyo cagligeyga.

gafafka uu geystay axadka isaga iyo kooxdii uu ka mid ahaa amaba yahayba, jariimooyinkaas maaha kuwa lagu cabbiro karo erayo.

waxaa xaq ah asxaabul xuquuqa uu godobtaas ka galay in ay yihiin dadka qaanuuniyan xaqqa u leh in ay u raacdaan godobtaas ama ay ka cafiyaan.macnaha hey'ad guud ama mid gaara oo xaq u leh ka cafinta eedahaas ma jirto, oo aan ka aheyn dhibbanayaasha.

Haddii aan u soo laabto ujeedkeyga, waxa waxa uu yahay;

Dareenkeyga/wadnaheyga waxa uu i leeyahay;
sidee ku saamixi kartaa nin jariimooyinki uu ummadda soomaaliyeed ka galay ay mid tahay in uu soo quftay qabrigii aabbahay sheikh mxyiddiin celi raxmatullaahi calal waalid iyo mashaa'ikhda kale ee ummdda soomaaliyeed bogga taariikhdooda aysan ugu qorneyn wax aan aheyn wanaag.

Mashaa'ikhdaas waxa ay mudnaayeen ugu yaraan in aan u duceyno illeyn ma karnee abaal-marintooda.

 من صنع إليكم معروفا فكافئوه فإن لم تجدوا ما تكافئونه فادعوا الله له حتى تروا أن قد كافأتموه.
رواه ابن حبان.

Mashaa'khdaas ma' aysan la' iman sabab ay ku mutaan qaab-dhaqankaas.

Axadka maanta laga hadlaayo , la' isaga sheekeyn maayo eedaha uu geystay.

Aabbahey sheikh mxyiddiin celi ma jirin gef uu si' gaar uga galay kooxdii qofatay qabrigiisi ee uu hor-joogaha ka ahaa axadkan.goofna ugama jirin.

Intaas waa waxa wadnaheyga is weyddiinayo oo uu igu tir-tirsiinayo ma waxaa cafin mudan qof ama koox sidaas ula dhaqantay mawtadii?!!.

Balse caliga iyo imaanka waxa ay taagan yihiin mawqif kaa ka duwan waa marki si' miir-qab loo waajaho arrikan.

Caqligeyga iyo iimaankeyga waxa ay leeyihiin; magacyada ilaahey waxa ka mid ah; al-cafuww oo ka dhigan macna ahaan ku dhowaad ilaah waa midka cafinta badan

waxa uu igu leeyahay cagligeyga ;cafinta looma baahna waqtiga la faraxsan yahay ee waxa loo baahanyahay amaba loomagan yahay cafinta marka ay naftu la il-daran tahay ciilka iyo murugada waana waqtiga uu cafisku ugu waxtarka badan yahay.

Caligu waxa kaloo uu leeyahay; laheyste ha' u noqon taariikh hore.

Adduunyo sabar laga waayey, waa aakhira janna laga waayey.

Waxaan rabaa in aan u sheego ummadda soomaaliyeed ; aniga ilaa hadda maanan qaadan go'aan oo talada kaligey igama go'do.

Dhammaan reer sheikh mxyiddiin celi rag iyo dumar ayey igala dheceysaa.

Waxaansa ku qanacsanahay in xaq-soor allaah uu ka baaxad weyn yahay kan bani'aadam.

Maalinkeeda ayaan la sugayaa qaddiyaddan iyo mawqifka aan iska taagayo.

a sincere com-patriot.
abdirahmaan sheikh m'diin eli.
e-mail:eliyow@hotmail.com
cellphone:+467 044 507 82.

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)