|
Gudoomiyaha xisbiga DADKA oo ka digay in umada Soomaaliyed ay ka hor
timado dastuurka iyo dedaalada ay wado beesha caalamka
Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Gudoomiyaha xisbiga DADKA oo ka digay in umada Soomaaliyed ay ka hor
timado dastuurka iyo dedaalada ay wado beesha caalamka
Prof. Saciid Ciise Maxamuud Gudoomiyaha Xisbiga dadka oo ka mid ah
axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa maanta ku dhawaaqay inuu
ka mid yahay musharaxinta u taagan doorashada soo socota ee xilka
madaxweynaha Somalia, isagoo dhinaca kalena faahfaahin ka bixiyey
waxyaabaha u qorsheysan haddii uu doorashadaas ku guuleysto iyo
xaaladaha kale ee ka taagan dalka sida dastuurka.
Isagoo ka hadlayey xaflad ku saabsan musharaxnimadiisa oo maanta lagu
qabtay magaalada Muqddisho ayuu ku sheegay Prof. Saciid Ciise Maxamuud
inuu wax badan ka qaban doono haddii xilkaas loo doorto oo celinta
adeegyada guud ee bulshada sida biyaha, caafimaadka, korontada,
waxbarashada iyo nadafaada guud, uuna shaqooyin u abuuri doono
kumanaan dhalinyaro ah oo isugu jira aqoonyahano iyo xoogsato.
“Dalku waxa uu ku jiraa xaalad kala guur bilihii ugu dambeeyey ee la
filayo iney timaado dowlad bedesha mida KMG ah ee hadda jirta sida
madaxweyne cusub baarlamaan cusub iyo hogaamiyeyal kale oo cusub
xaaladaha noocan ah waa kuwa ugu dhibka badan caalamka, waxaana loo
baahan yahay inaan uga gudubno maskax, dedaal iyo daacadnmo” ayuu yiro
Prof. Saciid Ciise Maxamuud oo intaa ku daray in dhibaatooyin badan la
soo maray, loona baahan yahay in dersi laga qaato.
Prof. Saciid Ciise Maxamuud ayaa intaa ku daray in dastuurku uu yahay
xeerkii kala hagi lahaa umada iyo madaxda dowlada la’aantiisna aysan
suuraagal aheyn in dowladnimo la gaaro, wuxuuna xusay in dadweynuhu ay
xaq u leeyihiin iney ka hadlaan kana doodaan haddii qodobo ka mid ah
dastuurka ay dhibsdaan hase ahaatee aysan xaq u laheyn iney yiraahdaan
dastuur ma rabo wuxuuna ka faalooday dastuuradii kala duwanaa ee dalka
soo maray iyo halkii ay ku dambeeyeen. .
“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa inaan laga hor imaan lana
colaadin beesha caalamka oo uu sheegay iney shacabka Soomaliyed ka
taageerayaan sidii ay u gaari lahaayeen nabad iyo dowladnimo, wuxuuna
xusay in haddii laga hor yimaado ay iska tegi doonaan dalkuna uu geli
doono marxalad ka adag mida hada lagu jiro “Waxaa la waayi doonaa
dowlad dhexe waxaana dalka u talin doono maamulo ku saleysan, qabiil,
ama kooxo diimeed, ama burcad badeed ama kooxo aan hada la aoqoon oo
laga yaabo iney soo shaac baxaan” ayuu intaa ku daray Prof. Saciid
Ciise oo bulshada caalamka uga mahad celiyey sida ay isugu howleyso in
dalku uu heli dowlad, isagoo ummada Soomaaliyed ugu baaqay iney ka
faa’iideystaan fursadaas.






Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|