Somali News
    Hees  

Soomaali ku dhibaataysan xabsiyo ku yaalla wadanka Ukraine

Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaali ku dhibaataysan xabsiyo ku yaalla wadanka Ukraine

Wararka ka imaanaya Dalka Ukraine oo ka mid ah qaarada Yurub ayaa sheegaya in halkaasi dhibaato ku hayso Soomaali qaxooti ah oo ku jira Xbsiyo ku yaala wadankaasi.

Qaxootigaan Soomaalida ah ayaa ku kala jira labo xabsi oo ku yaalla
wadanka Ukraine, waxayna qaxotigaasi ka cabanayaan dhibaatooyin adag oo ku haysta Xabsiyadaasi oo in muddo ah ay ku xiran yihiin.

Mid ka mid ah Soomaalida ku jirta xabsiyada wadankaasi oo lagu magacaabo Mustaf Axmed Max’ed ayaa u sheegay saxaafadda in dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil iyo hanjabaad loo gaysto
dadkaasi.

Waxa uu sheegay oo kale Mustafe in Xabsiga ay ku jiraan ay ka doorbidi lahaayeen inay yimaadaan Xabadda ka dhaceysa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xabsiga ay ku jiraan haween iyo caruur.

Madaxda dowladda KMG ah ayay ku eedeeyeen dadka ku jira xabsigaasi, inaysan waxba u qaban dadkaasi, waxayna sheegeen in la dayacay oo aysan dowladda KMG ah waxba qaban.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)