Somali News
    Hees  

Munaasibad lagu taageerayey xisbiga Hiil-Qaran oo Minnesota lagu qabtay (Sawirro)

Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasibad lagu taageerayey xisbiga Hiil-Qaran oo Minnesota lagu qabtay (Sawirro)

Munaasabad lagu maamuusayay soo dhaweynta Ururka Hiil-Qaran ayaa xalay lagu qabtay gobalka Minnesoto ee dalka Mareykanka, waxaana munaasabadda ka soo qaybgalay mas'uuliyiin ka socday qaybaha kala gadisan ee bulshada ku nool gobalka Minnesoto iyo waliba xubno kale oo ka socotay uruurada bulshada rayidka iyo Culuma'udiin Soomaaliyeed.

Mas'uliyiinta munasabadaaas ka hadlay waxay dhammaantood soo dhaweeyeen Ururka Hiil-Qaran iyo gudoomiyahada dhinaca siyaasadda ee ururka  Prof Axmed Ismaciil Samatar, islamarkaasina lagu amaanay wax qabadka iyo qeyla dhaanta cusub ee ururka Hiil-Qaran  uu la soo garab istaagay umadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibad-ba  iyo sidii loo garab istaagi lahaa dad badan oo ku dhibateysan xeryaha qaxootiga ee dhadhaab ee dalka kenya.

Dhanka kale, waxaa munaasabadii xalay khudbooyin dhaadheer kasoo jeediyay madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen: Saciid Faahiye oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota, Prof  Cawo Cabdi , oo wax ka dhigta Jamacadda gobalka Minnesoto iyo waliba gudoomiyaha dhinaca siyaasdda ee Xisbiga Hiil-Qran  Prof Axmed Ismaciil Samatar  iyo xubno ka tirsan Xisbiga Hiil-qaran.

Cabdiqadir Jangeli, oo ah  xubin ka ah Xisbiga Hiil-qaran ayaa ka war-bixiyey sabaabta keentay in la aas-aasos ururka  magaciisi uu yahay Hiil-Qaran, isagoo ku micneeyey in uu yahay  mid u hiilin doona dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo waliba soo celinta qarannimadii Soomaaliyeed oo burbur  xoogan uu ku yimid 20-kii sano ee la soo dhaafay.

“Haddii aan nahay  ururka Hiilqaran ee ah urur ku saleeysan ladagaalanka  qabyaalada iyo ka fogaashaha cadaalad darrada ka jirta Soomaaliya waxaan abuurnay jidkii loo mari lahaa dadaalo badan laguna gaari karo habsami u-socodka siyaasadda cadaalada iyo la dagaalanka jahli oo  sidii ay aheyd bari Soomaali oo ah in la taageero cidii ka shaqeyneysa cadaalada,”  ayuu yiri madaxa siyaasadda ururka Hiil-qaran Prof Axmed Ismaciil Samatar oo la hadlayaay Soomaali badan oo ka soo qeyb gashay kulankii xalay.

Dhanka kale, waxuu Prof,Axmed Samatar ka warbixiyaay waxyabihii uu ku soo arkay mar uu booqday xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ay ku jiraan Soomaali badan oo qaxooti ah, isagoo sheegay in ay dhibaatooyin fara badan oo dhinaca nolosha ah ay haystaan dadka xeryahaasi ku jira, islamarkaasna aysan hay’adaha gargaarka ee halkaasi ka shaqeeya aysan siin raashin ku filan oo dabooli kara baahida guud ee dadkaasi, waxaana uu intaasi raaciyey in madaxda siyaasada Soomaaliya looga baahan yahay in ay dadkaasi xaaladooda la socdaan.

Xisbigaan Hiil-Qaran ee ay dadka reer Minnesota  xalay munaasibada taageerada ah ugu sameeyaan ayaa waxaa uu ka mid yahay tiro xisbiyo oo uloolamaya Siyaasadda soomaalida  kana jira gudaha wadanka Soomaaliya iyo dibadaba.





Cabdiraxmaan D Nuur 

Minneapolis Minnesota

Nuure1000@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)