Somali News
    Hees  

Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta dhalinyarada SYL oo lagu qabtay degmada Beledxaawo

Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta dhalinyarada SYL oo lagu qabtay degmada Beledxaawo

Qeybaha Ururada Bulshada, haweenka, dhalinyarada iyo maamulka degmada Beledxaawo ayaa xusay Maalinta dhalinyarada Soomaaliyed ee 69aad guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ururkii SYL ee Gobonimo doonka ahaa ee 15-ka May.

Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa xubnihii ka qeyb galay ee isugu jiray qeybaha bulshada ay ku dheeraadeen muhiimada maalinta taariikhiga ah ee 15-ka May.

Sagal Cismaan oo ku hadashay codka dhalinyarada gabdhaha ee ku dhaqan degmada Beledxaawo ayaa sheegtay in doorka dhalinyaradii hore uu ahaa mid suura geliyay xornimada hada la heysto, isla markaana qeyb lixaad leh ka soo qaatay halgankii gobonimo doonka ahaa.

Waxaa kaloo madasha ka hadlay Sheekh Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Gedo, isagoo xusay inay haboon tahay in loo kaco sidii dhalinyarada hada jirta looga wacyi gelin lahaa fikradaha qaldan, isla markaana horumar iyo nabad dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Sahra Maxamed ayaa soo dhoweysay maalinta qiimaha leh ee 15-ka May, iyadoo ka codsaday Hey'adda CCD inay gobolka ka fuliso siminaaro, iyo kulamo wacyi gelin ah, si qeybaha bulshada fursad ugu helaan inay wada hadlaan, maadaama Gobolka laga xoreeyay Al-Shabaab, loona baahan yahay in dib loogu istaago qeybaha nabada.

Wakiilka xaga amniga u qaabilsan Gobolka Buule Qaloocow ayaa ku ammaanay qeybaha bulshada isugu timid munaasabada sida ay u muujiyeen dadaal iyo karti, isla markaana ula shaqeeyaan maamulka degmada, si la isaga kaashado ammaanka.

Sidoo kale waxaa hadalo muhiim ah ka jeediyay Munaasabada Marwo Sahro Maxamed Siyaad iyo Aamino Cali Guure oo tix gabar iyo buraan bur qiiro leh ku cabiray, kana hadlay maalinta weyn ee SYL iyo halgankii ay soo mareen dhalinyaradii 13-ka ee u kacday halgankii gobonimo doonka ahaa.

Ugu dambeyn munaasabada oo aheyd tii u horeysay ee nooceeda bulshada Beledxaawo ku dhaqan ay ka soo qeyb galeen, iyagoo isu dar daarmay sidii nabada, xasiloonida iyo horumarinta degmada uga shaqeyn lahaayeen.



Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)