Somali News
    Hees  

Sarkaal horay uga Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya oo sheegay inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii uu Umadda Ku Hayey

Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Sarkaal horay uga Tirsanaa Al-Qaacidada Soomaaliya oo sheegay inuu Alle Uga Towbad Keenay Dhibaatadii uu Umadda Ku Hayey (Codkiisa Dhageyso)

Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto) oo ka mid ah Horjoogayaasha Al-Shabaabka Soomaaliya ayaa la xiriiray radiyo Muqdisho, wuxuuna ninkaasi horay Shabaabka ugu qaabilsanaa Gobolka Banaadir.

"Waxaan Alle uga Toowbad keenayaa dhibaatadii aan ku hayey Shacbiga Soomaaliyeed" ayuu yiri Horjoogahaasi oo u waramaayay Raadiyaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, horjoohaan ayaa hadda wax xil ah ka hayn Shabaabka.

Cali Jeesto waxa uu sheegay in waqtigiisa ugu badan uu maalin walba ku bixiyo Toowbada Alle maadaama Danbigii uu galay xadkiisa uu ka warqabo, waxaana uu sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo haddii uu fursad ku helo Shacbiga Soomaaliyeed inuu meel fagaare ah kala hadli doonaan, isla markaana uu cafis ku weydiisan doono.

"Qof walba oo Umadda Soomaaliyeed ka tirsan oo aan dambi ka galay ha ila soo xiriirto" hadana mar aynu weydiinay halka lagala soo xiriirayo waa uu ka gaabsaday, hase yeeshee Cali jeesto waxa uu ka gaabsaday inuu cadeeyo halaka uu ku sugan yahay.

Dhinaca kale Horjoogayaasha Al-Shabaab qaarkood ayaa la filayaa inay ka soo laabtaan fikirkii Takfiiriga ahaa ee ay horay u aaminsanaayeen, iyadoo Cali Jeesto uu yahay qofkii ugu horeeyay ee cadeeyay in fikirkii uu aminsanaa horay uu ka haray, islamarkaana uu ka towbad keenaya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)