Somali News
    Hees  

Diyaarad Turkish Airlines ay leedahay oo ku soo degi weyday garoonka diyaaradaha Muqdisho

Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Diyaarad Turkish Airlines ay leedahay oo ku soo degi weyday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradahamagalada Muqdisho ka laabatay Diyaaradda Shirkadda Turkish Airlines oo rakaab u soo waday dalka Soomaaliya, waxayna diyaaradaasi ay dib ugu laabtay magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Sababaha diyaaradaasi ugu soo degi waysay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa lagu macneeyay dhowr arrimood, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu jiro khilaaf soo dhexgalay diyaaradda iyo shaqaalaha socdaalka, halka warar kalena ay sheegayaan inay cillad awgeed ugu degi waday garoonka diyaaradaha Muqdisho, islamarkaana cagaha u bixi waayeen.

Wakiilka Shirkadda diyaaradda Turkish Airlines ee Soomaaliya Cali Yare ayaa saxaafada u nsheegay inaysan markii ugu horreysay oo diyaaradda Turkish Airlines ay ku degi wayday garoonka diyaaradaha Muqdisho, wuxuuna sheegay inay taasi sabab u tahay Cillad xaga farsamo.

Diyaaradaas ayaa saddex jeer ku dul wareegtay garoonka markaas kaddibna waxay dib ugu duushay magaalada Addis Ababa halkaasoo ay ku dagtay, wuxuuna wakiilka Shirkadaasi sheegay in rakaabkii iyo diyaaraddii ay dib ugu laabteen dalka Turkiga.

Dhinaca kale Rakaabka la socday diyaaradda waxay tiradoodu ahayd 150-ruux oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi Muqdisho, kuwaasi oo u soo socday dhamaantood Magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)