|
Diyaaradaha Dagaalka ciidammada NATO oo duqaymo ka gaystay Degmada Xaradheere ee ee gobolka Mudug
Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Diyaaradaha Dagaalka ciidammada NATO oo duqaymo ka gaystay Degmada Xaradheere ee ee gobolka Mudug.
Wararka ka imaanaya Degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee Cuiidamada NATO inay duqeeyeen degmada Xaradheere ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegayo in diyaaradahaasi ay baadigoobayeen kooxo burcad badeed ah.
Kaluumeysatada deegaankaasi ayaa sheegay in diyaaradahaasi dagaal ay leeyihiin ciidammada NATO ee howlgalka ka dhanka burcad badeedda ka wada xeebaha dalka Soomaaliya.
Mid ka mid ah kaluumaysatada deegaankaasi oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Jimcaale ayaa saxaafada u sheegay in diyaaradahaasi dagaalka ay gaysteen khasaare leh ka gaysteen degmada Xaradheere, wuxuuna sheegay in duqaymaha diyaaradahaasi ay ku dhinteen dhallinyaro Kalluumeystada deegaankaasi ka mid ahayd.
kaluumaysatada Degmadaasi ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato dhibaatada halkaasi ku heysata, waxayna sheegeen in diyaaradaha dagaalka NATO marar badan ay duqeyn ka geysteen degmada Xarar dheere, iyagoo sheegay in duqaymahaasi ay ka dhaxleen dadka ku dhaqan degmadaasi khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|