Somali News
    Hees  

Ciidamada Kenya oo maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka loo gacan geliyay

Mogadishu Khamiis 17 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Kenya oo maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka loo gacan geliyay.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in loo gacangeliyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu soo qabtay dagaal ka dhacay Badhaadhe loo gacan geliyay ciidamada Kenya.

Gobalada jubbooyinka ayaa waxaa ka socda howlgalo ay iska kaa shanayaan DKMG Iyo Kenya oo la doonaayo in gacanta lugu dhigo goobaha ay heystaan ururka alshabaab, oo hada awoo dooda ay laciiftay gooba badana ay ka qabsadeen Ciidamada DKMG Iyo kuwa kenya.

Lama oga sida ay ka yeeli doonaan ciidamada Kenya ragaan ka tirsan kooxda Al-shabaab ee loo gacan geliyay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)