Somali News
    Hees  

Itoobiya oo maxkamadeenaysa shaqsiyaad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Qacidada geeska Africa

Mogadishu Jimco 18 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Itoobiya oo maxkamadeenaysa shaqsiyaad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Qacidada geeska Africa.

Maxkamad ku taala wadanka Itoobiya ayaa bilawday dhageysiga dacwad loo haysto 11 ruux oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Qacidada geeska Africa ee ka dagaalama Soomaaliya sida dawlada Itoobiya sheegtay.
 
Dacwad oogayaashamaxkamada 11 ruux heysata ayaa maxkamada ka hor sheegay in shaqsiyaadkaan oo mid ka mid ah u dhashay wadanka Kenya ay xiriir toos ah la leeyihiin Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta waxaana dacwad oogayashu sidoo kale tilmaameen inay maleegayeen kooxdaan weeraro ka dhaca gudahadalka Itoobiya.
 
War ka soo baxay wasaaradda cadaalada Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaan la tuhunsan yahay qaarkood laga qabtay xadka u dhaxeeya Ethiopia ay la leedahay dalkaan Soomaaliya.
 
Saraakiisha ciidamada soo qabtay dadkaan ayaa maxkamada sidoo kale ka hor sheegay inay heleen xog ku saabsan in kooxdaan 11 ruux ka kooban ay wadeen qorshe ay gudaha Itoobiya uga aas aasi lahaayeen xeryo lagu tababaro dagaalyahano la dagaalama ciidamada dawlada oo Al-Qacida taabacsan.

In kastoo aan si rasmi ah oo loo shaacin wadamada ay u dhasheen haddana waxaa la sheegay inay wajihi doonaan xukumo adag haddii lagu cadeeyo falka loo haysto.

Dawlada Itoobiya waxaa ay ka mid tahay wadamada sida tooska ah faraha kula jira arrimaha amaanka iyo siyaasada Soomaaliya waxaana ay ciidamadeeda gobolo ku yaala Soomaaliya kula dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)