Somali News
    Hees  

Laacib ooyin dartii uu iibkiisii u baaqday…iyo wararkii ugu dambeeyey kulanka habeen dambe…!!! (Qubanayaal xul ah iyo Xaaji)

Jimco 18 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Laacib ooyin dartii uu iibkiisii u baaqday…iyo wararkii ugu dambeeyey kulanka habeen dambe…!!! (Qubanayaal xul ah iyo Xaaji)

Xidigyaraha kooxda Pescara Marco Verratti oo iminka bartilmaameed la hubo u ah kooxda Juventus ayaa iska baroortay oo afka furtay xilli uu tijaabo u mari lahaa kooxda AC Milan oo qandaraaskiisa xiisayneysey.

‘’Waan iska ooyay maxaa yeelay waxaan jeclaa inaan Pescara sii joogo’’ ayuu yiri Marco Verrati oo xilligaasi ciyaal mama iska ahaa.

Kubad sameeyahan oo ay dayaxa ku raadineyso kooxda marwada gabowga ah kadib xilli-ciyaareed bilaa cillad ah oo ku qaatay kooxda heerka 2-aad ka ciyaarta ee Pescara ayaa sidoo kale la yaaban ku jiristiisa 32-da laacib ee laga xuli doono 23-ka kubad yahan ee Talyaaniga u meteli doona koobka EURO 2012.

‘’Waxaan joogey Milan oo aan baaqi kusii ahaan lahaa maalin ama laba si aan tijaabo caafimaad u maro’’ ayuu xidigyarahan 19 jirka ihi u sheegay wargayska La Gazzetta dello Sport.

‘’Si kastabase, waxaan bilaabay inaan ooyo waxaana ku laabtay koofurta Talyaaniga anigoo deeto rigli ka noqday safka 1-aad ee kooxda Pescara oo aan markaaba ka tirsanaa’’ ayuu yiri Varreti.

Laacibkan oo markii hore ka ciyaari jirey khadka dhexe ee weerar xigeenka ah ayaa iminka ka ciyaara qalbiga khadka dhexe ee kooxdiisa taasoo ah boos uu u bedeley macalin Zdenek Zeman.

Waxaana xidigan oo ay Juve dooneyso inay u geliso lambarka 10-aad ee ka tegey Delpiero lagu muransan yahay dhanka qarashka iyadoo juve 5 milyan ka ogoshahay 8 milyan ee ay Pescara ku doonayso.

Macalinka Munich: ‘’Drogba waa jilaa wayn’’.
Xidigan Ivorian-ka ah oo lagu eedeeyo sida sahlan ee uu dhulka isu dhigo hadii loosoo dhowaado oo ay dad badani jilliin ku tilmaameen ayaa waxaa iminka arintaa ka digaya macalinka kooxda Bayern Munich oo xidigihiisa ugu baaqay inay il dheer u lahaadaan kulanka habeen dambe.

Macalinka Munich Jupp Heynckes ayaa Didier Drogbak ku tuhunsan inay isla egyihiin inta jeer ee uu is tuuro si uu laad xor ah ama gool ku laad (Rigoore) u helo iyo goolasha uu caadi ahaanta u dhaliyo isagoo xidigan Afrikaanka ah ku tilmaamay 'JILAA WAYN'.

Drogba oo iminka 34 jir ah ayaa nus-dhamaadkii ay Barca uga soo bexeen kooxdiisa Blues bahda ciyaaraha u muujiyay in weli uu calankiisu babanayo oo dhurwaa duq ihi uu dhowr weer ka roon yahay isla markaana uu weli ka tirsan yahay weeraryahannada loogu cabsida badan yahay kubada casrigan.

Heynckes ayaa laacibiintiisa uga digay in diirad-saarka Drobga ay ka il duufiso deganaanta ay ku raacayaan xidigii hore ee kooxda Marseille oo ay doonayaan inay habeenkaa ka madoobeeyaan.

"Drogba, sanado badan wuxuu muujiyay inuu yahay laacib halis ah oo mar kasta gool laga filan karo’’ ayuu yiri macalinkan 67 jirka ah. ‘’Laakiin mararka qaar wuu ka badbadiyaa oo waa jilaa garoonka kujira’’ ayuu raaciyay Heynckes.

Maadaama Chelsea ay kaalinta 6-aad ku dhamaysatay horyaalka Ingiriiska iyo kulankan finalka ah oo ka dhacaya gegada Allianz Arena ee magaalada Munich ayay dadka kubadda u dhuun daloolaa waxay Bayern siinayaan gacanta sare kaasoo ah ra’yi uusan qabin macalinka Bayern.

"Lama wadaago dadka qaba aragtidaas xiisuhu ku laran yahay ee ah inaan anagu fooska leenahay. Waayo koobka horyaallada Yurub koox foos lihi majirto’’ ayuuna yiri.

Schweinsteiger: ‘’Xal baanu u helnay xidigaha naga maqan’’

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteiger ayaa waloow uu qirayo inay jug wayn kooxdiisa ku tahay maqnaashaha xidigaha Luiz Gustavo, Holger Badstuber iyo David Alaba oo sida muuqata la tebi doono misna wuxuu ku doodayaa inuu macalin Heynckes weli haysto laacibiin tayo leh oo uu ku tashan karo.

3-dan laacib ayaa kulankan muhimka ah ku seego doona kaararkii jaalayaasha ahaa ee ay ka qaateen kulankii adkaa ee Real Madrid oo ay Santiago Bernabeu kula ciyaarayeen lugta 2-aad ee nus-dhamaadka koobka horyaallada Yurub.

Chelsea lafteeda waxaa ka maqan xidigo muhim ah sida with John Terry, Branislav Ivanovic, Raul Meireles iyo Ramires sidaa daraadeed ayuu Bastian u arkaa inaysan Bayern baas wayn ku qabin ka maqnaashaha sedex ka tirsan safka 1-aad ee kooxdaas.

‘’Luiz Gustavo wuxuu noqday laacib muhim ah; waa nin dheereeya kuna wanaagsan raacista weji ka wejiga ah, sida aan ku aragnay Madrid sidoo kale waxaa ah Holger Badstuber iyo David Alaba waana tebi doonnaa’’ ayuu yiri Bastian oo balanqaaday inay isku dayi doonaan xal shaqeyn kara la’aantood.

Heynckes ‘’Laga yaabee inaysan Bayern fursadan oo kale abidkeen helin’’

Ilaa iyo 1984-kii oo ku beegnayd markii ay Roma dhamaadka koobka horyaallada Yurub ku marti gelisey garoonkeeda iyadoo finalka taagan markaasoo aysan fursadaasi ka faa’iidaysan.

Macalinka kooxda Die Rotten Jupp Heynckes ayaa ciidamadiisa ku boorinaya inaysan fursadani farahooda ka sibxan isagoo hoosta ka xariiqaya sida looga yaabo inaysan abidkood koobkan ku qaadin garoonkooda.

Maadaama koobka lagu qabanayo garoonka wayn ee Allianz Arena kooxdan Bavarian-ku waxay noqon doontaa kooxdii ugu horeeysey ee koobka gurigeeda kula guulaysata kadib kooxda Inter oo Sansiro kula guulaysatey 1965-kii.

Heynckes ayaa laacibiintiisa xusuusiyay muhiimada ay leedahay inay sharfaan taageerayaashooda iyo garoonkooda oo dhiiri gelin u ah iyaga. ‘’Waa inaan koobkan ku guulaysanaa 11 sanadood kadib anagoo gurigeenna joogna’’ ayuuna maanta shir jaraa’id ka sheegay.

Roma ayaa ahayd kooxdii ugu dambaysay ee ay fursadani soo marto iyadoo ciidda garoonkeeda ku ciyaaraysa 1984-kii balse Roma waxba ma caynsanin oo waxaa ciil ku dilay kooxda Liverpool oo gool ku laad koobkii uga qaaday.

Frank Arnesen ‘’Chelsea way ka badin kartaa Bayern’’.

Maareeyaha ciyaaraha ee kooxda Humburg SV Frank Arnesen oo 5 xilli-ciyaareed isla jagadaa ugu qaybsanaa kooxda Blues ayaa rumaysan inay wiilasha Di Mateo dibadda soo dhigi karaan iimaaha uu leeyahay daafaca kabkabka ah ee Bayern Munich.

Kooxda Blues ayaa beri Bayern kula balansan garoonka balaca wayn ee ay ku baratanto kooxdan ka timaada Bavaria iyadoo ay Arnesen la tahay inay kooxda ka ciyaarta galbeedka London ee Chelsea ay koobka ku guulaysan karto markii ugu horeeysay waloow aysan sahlanayn sida uu qiray.

‘’In Bayern la garaacaa igu soo orod maaha’ laakiin Chelsea fursad bay haysataa’’ ayuu Arnesen u sheegay webka rasmiga ah ee kooxka Humburg. ‘’Waan ku faraxsanahay inay Chelsea dhamaadka timaado berina garoonkaan tegayaa si aan u taageero’’ ayuuna ku daray.

Bayern ayaa daadka lagu daray kulankii dhamaadka koobka Jarmanka oo ay 5-2 ku xaaqday kooxda Borusia Dortmund todobaadkii hore taasoo ah natiijo uu Arnesen aaminsan yahay inay saamayn doonto kooxda FC Hollywood sida lagu naanayso.

Bayern ayaa waxaa ka maqan Badstuber, Luiz Gustavo iyo Alaba oo ganaax ku maqan. Van Buyten oo aan mudaba ciyaarin dhaawac dartii taasoo ka dhigan inay ciyaari doonaan Tymoshchuk iyo Contento oo fursad siin kara Chelsea oo lafteedu ay intii gubtaa hoos taallo.

‘’Bayen daafeceedu sidii hore bilaa cillad uma ahaan doono. Chelsea lafteedu waa inay afar nin bedeshaa lkn saasooy tahay waxaan filayaa inay ka fiicnaan doonaan Bayern’’ ayuu saadiyay Arnesen oo aan taageeradiisa qarsan.

Garsooraha finalka horyaallada Yurub oo aysan abshireysan kooxda Bayern..!!?
Pedro Proenca Oliveira Alves Garcia oo howlaha dhexdhexaadinta bilaabay isagoo 18 jir ah sanaddii 1988-kii ayaysan falxad u arkin kooxda Bayern Munich oo aan weligeed guuldarro maahee aan xitaa barbarro ka helin kulan uu hogaaminayo.

Proenca ayaa dhex dhexaadiyay laba kulan oo labadaba Bayern Munich gurigeeda lagu garaacay, mid wuxuu ahaa kulan ay Bordeaux uga adkaatay 2-0 kulan ka tirsanaa heerka wareegyada 2009-10.

Midka kalena wuxuu ahaa kulan ay 3-2 uga adkaatay kooxda Inter Milan isla garoonka ALIANZ ARENA kaasoo ku tirsanaa wareega 16-ka ee badi ama bax (Knock out) xilli-ciyaareedkii 2010-11 kaasoo ay Bayern tartanka uga hartay sharciga gool dhalinta.

PROENCA WAA QOF CAYNKEE AH..?
Ninkan oo ku dhashay magaalada Lisbon ee caasimada Portugiiska waa la taliye dhaqaale kaasoo aad u jecel ciyaarta barafka lagu ciyaaro (Skiing), aqrinta iyo qoraalka waxay FIFA diiwaan gashatay 2003-dii 5 sano uun kadib markii uu bilaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaaraha maxalliga ah ee dalkiisa.

Iyadoo sanad qura kadibna loo xilsaaray dhexdhexaadinta ciyaarihii Yurub ee yaryarka 19 jirrada ah oo ay kujirtey ciyaartii dhamaadka ee Turkey iyo Spain.
Wuxuu sii koray jaran jarada isagoo 2007-dii qabtay kulankiisii ugu horeeyey ee koobka horyaalllada Yurub iyadoo laba sano kadibna loo dalacsiiyay garsoorayaasha la qiray ee kujira xayndaabkaa UEFA’s Elite category 2010-11, wuxuuna garsooray 5 ciyaar oo ay ugu waynayd ciyaartii nus-dhamaadka ahayd ee Man Utd v Schalke 04.

Proenca waa garsoore taqliidi ah waana nin adadag oo aan inta badan ogolaanin inay ciyaartu iska socoto oo ay farihiisa ka baxdo, isagoo hadii uu dareemo in taliskiisa dood la gelinayo aan laacibiinta ka bakhiilin kaararka hurdiga (jaallaha) ama guduudka (casaanka).

Macalinka Juventus oo janjalka la haysto..!!!
Xirmo ka tirsan wargaysyada Talyaaniga ayaa daabacay in macalinka Juventus Antonio Conte uu ka warqabay ciyaaro daysmo ahaa oo dhacay xilligii uu macalinka u ahaa kooxda Siena.

Sida uu ku doodayo Filippo Carobbio oo xilligaasi khadka dhexe uga ciyaarayay Siena oo uu Conte sanadkaa Serie A-da usoo dalacsiiyay.
Carobbio ayaa ka mid ah dhowr shakhsi oo ay ku socoto baaris ku saabsan eedaymo la xiriira ciyaaro lagu sharatamay iyadoo uu laacibku sheegay inuu Conte ka warqabay kulankii ay Siena 2-2 la noqotay Novara iyo mid kale oo ay kooxdiisu si kas ah guuldarro 1-0 u ogolaatay.

Arintani dabcan maaha mid ku cusub dhegaha Conte oo bishii tagtay ee April ayuu ka hadlay isagoo dafiray inuu wax khalad ah sameeyey. ’’Wax badan oon iraahdo ma hayo, waan aqriyay baarista socota waana ku kalsoonahay dadka wada oon hubo inay howshooda gudanayaan’’ ayuu rajeeyey Conte oo dhanka kale sheegay inaanay cidina lasoo xiriirin weli.

Qofkii eedeymahan ku lug lahaada ama lagu helo inuu wax ka ogaa aya ciyaaraha laga mamnuuci karaa inta uu noolyahay halka kooxahana dhibco laga jaro.

Juventus ayaan wax halis ah ku jirin maadaama ay baaristani khuseeyso koox kale iyo xilli-ciyaareed kale waloow eedeeymahani ay hareeynayaan dhamaadka Coppa Italia ee ay axadda la yeelanayso kooxda SSC Napoli.

Nagala soco www.goolfm.net

Waxaa isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-koronto;-maxaaji@hotmail.com
Gothenburg, Sweden

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)