Somali News
    Hees  

Hogaamiyaha Xisbiga Midnimadda Bulshada Soomaaliyeed SSUP mudane Yaasiin Maaxi Macalin ayaa si weyn u dhaliilay ansaxinta qabyo qoraalka Dastuurka

Mogadishu Jimco 18 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Hogaamiyaha Xisbiga Midnimadda Bulshada Soomaaliyeed SSUP mudane Yaasiin Maaxi Macalin ayaa si weyn u dhaliilay ansaxinta qabyo qoraalka Dastuurka.

Hogaamiye Maaxi oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxtinimadda soomaaliya ayaa ku eedeeyay Dowladda KMG iney si qasab ku dooneeyso in lagu meelmariyo ansaxinta dastuurka qabyadaha bacdamaa ay ka soo horjeesteen intii ugu badneed shacabiga soomaaliyeed.

’’’ waxaan kula dardaarmayaa odayaasha dhaqanka ee wagaradka ah ee ergada ah iyo ururada bulshadaba ineysan ansaxin oo ay aad ugu fogaadaan wax kasta oo majaxaabin kara masiirka ummadda Soomaaliyeed .’’

Musharax Maaxi ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay iney jiraan qodoba qaar ah oo aan u cuntami karin umadda Soomaaliyeed balse ladoonayo in si dadban loo ansixiyo laraban in Shacbiga la caburiyo.
Hadalaka musharax Maaxi ayaa ku soo beegmayo xili khilaaf ba’an uu ka taaganyahay sidii loo anasixi lahaa dastuurka qabyada ah oo ay beesha caalamku indhaha ku heyso

Musharax Maaxi ayaa ku nuunuuxsaday in loo baahan yahay in wadatashi dheeraad ah laga sameeyo Qodoba qaar ka mid ah oo ay ka mid yihiin Jinsiyadda, Diinta, Dhaqanka, Habka Dowlad wanaaga, Dowlad goboleedyada,iyo Maqaamka ay yeelaneeyso caasimadda muqdisho, dib haloogu noqodo waxa aay Culumada, aqoonyahanada Haweenka, Dhalinyarada iyo shacabka intiisa kale waxa aay farta kuwada fiqqn wax halagabadalo ayaanu leenahay ayuu si caro ku jirto u yiri Musharax Maaxi

isagoo hoosta ka xariiqayana ineynu si wanaagsan loo fahmaa waxa aay bulshadu ka cabaneeyso ayuu hadalkiisa sii raaciyey

Ugu danbeeyntii waxaan baaq u soo jeedinayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed meel walbo aay joogaan in si wada jir ah loogu istaago bad-baadaada iyo daryeelka ummada soomaaliyeed iyo sharafta iyo karaamada ummada leedahay.

Isha warka
SSUP Media Departement+Swedish Media

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)