|
Kulan burcad badeedda Soomaalida ka dhan ah oo ka dhacay imaaraadka carabta
Mogadishu Jimco 18 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kulan burcad badeedda Soomaalida ka dhan ah oo ka dhacay imaaraadka carabta.
Diblumaasiyiinta dowladaha kala ah Italy, Seychelles, Pakistan, Sri Lanka, Kenya, Tanzania iyo Thailand ee ku sugan magaalada Abu dhabai ee dalka isu tagga imaaraadka carabta ayaa waxa ay kulan xasaasi oo saacado soconayay ka yeesheen mowduuc ku saabsan kooxaha burcad badeedda soomaalida oo haatan wadamada caalamka ku noqday khatar wayn oo soo foodasaartay dhaqaalahooda maadaama ay ku sugan yihiin badda islamarkaana ay afduubanayaan maraakaabta ganacsi .
Safiirka talyaaniga u fadhiya dalka isu tagga imaaraadka carabta Giorgio Starace ayaa kulanka ka jeediyay hadla dheer oo diiradda uu ku saaray qatarta kooxaha burcad badeedda soomaalida ay ku hayaan maraakiibta ganacsi iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha burcad badeedda, waxana uu tilmaamay in beesha caalamka ay ka gaabisay la dagaalanka kooxaha burcad badeedda taasina ay sabab u noqotay in mar waliba marka ka dambaysa ay sii kororto weerarada ay qaadayaan burcad badeedda soomaalida kuwaas oo ay ku soo qafaalanayaan maraakiibta ganacsi.
"Waxaa laga gaabiyay in la qaado go’aan dhinaca miltriga ah taasina waxay fursad siinaysaa burcad badeedda , waa inaynu yeelanaa kulamo badan si aynu uga hortagno burcad badeedda "ayuu yiri safiirka dowladda talyaaniga u fadhiya dalka isu tagga imaaraadka carabta.
Sidoo kale safiirada dowladaha tanzaaniya Kenya Seychelles, Pakistan, Sri Lanka, iyo Thailand ayaa iyagana waxa ay muujiyeen qatarta ay leeyihiin kooxaha burcad badeedda , iyagoo tibaaxay in burcad badeeddu ay yihiin argigixisada dhinaca badda ah oo walwalka ku haya gaadiid badeedka isticmaala biyaha caalamka, waxana ay sheegeen in xalku uu yahay in laga shaqeeyo sidii nidaam iyo kala dambayn loogu soo celin lahaa dalka Somalia.
Kooxaha burcad badeedda soomaalida ah ayaa ah kuwo mudooyinkii la soo dhaafay sii laba jibbaara weeraradooda, waxana ay isku sifeeyeen inay yihiin ciidamo difaacaya badda Somalia kana ilaalinaya maraakiibta sida sharci darrada ah uga galuumaysanaysa biyaha Somalia .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|