Somali News
    Hees  

Banaanbax looga soo horjeedo Soomaalida oo ka dhacay Yemen

Mogadishu Jimco 18 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Banaanbax looga soo horjeedo Soomaalida oo ka dhacay Yemen

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah dalkaasi ay ka dhaceen banaabaxyo looga soo horjeedeo dadka Soomaalida ah ee halkaasi jooga.

Banaanbaxyadaasi ka dhacay Yemen ayaa looga soo horjeeday in Qaxootiga Soomaalida ay ku sii sugnaadaan dalkaasi, iyadoo banaanbaxaasi ay ka qeybgaleen Boqolaal ruux oo u dhashay wadanka Yemen.

Banaanbaxyada ayaa waxay ka dhaceen gobolka Daalic ee dalkaasi, waxayna dibadbaxayaasha ku dalbanayeen in Soomaalida Qaxootiga ah laga saaro gobolkaasi sida sheegay Qunsulka Soomaalida ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed.

Qunsulka waxa uu sheegay in arintaani ay ka dambeysay kadib markii gabar Soomaali ah ay dishay gabar u dhalatay wadanka Yemen, iyadoo horayba loogu eedeynayay Soomaalida inay qeyb ka yihiin dagaalada ka socda dalka Yemen.

Gobolka Daalic dadka degan ayaa lagu soo waramayaa inay midibtikoor ku sameeyaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gobolkaasi, waxaana Qaxootiga ay dalkaas ku qabaan dhibaatooyin kala duwan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)