|
Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay tallaabadii Al-Shabaab ku gubeen Ceelashii biyaha Garbahaarey
Mogadishu Jimco 18 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo cambaareeyay tallaabadii Al-Shabaab ku gubeen Ceelashii biyaha Garbahaarey
Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo jimco ah waxay ku cambaareeyeen tallaabadii Al-Shabaab labo cisho ka hor ku gubeen Ceelashii biyaha dadka ka cabayeen ee degmada Guriceel.
Bayaan ka soo baxay Culimada salaadii jimcaha kadib ayaa waxay ku sheegeen in ficilkii Shabaab ku kaceen uu ahaa, mid diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyed iyo xuquuqda aadanaha ka soo horjeeda in ceel biyood dadka iyo duunyada biyo ka cabaan in la gubo matooradii biyaha keenayay.
"Ficiladda kooxda khawaarijta Shabaab ujeedadoodu waa inay baabi'iyaan nolosha dadka taagta daran waxaana daliil u ah iyagoo gubay matoorka ceelkii biyaha ay ka cabi jireen dadweynaha" ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.
Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Gedo inay u midoobaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen kooxaha Shabaab oo cadow ku ah noloshooda.
Dhinaca kale Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa sheegay in Shabaab iyo Al-Qaacida ay xirxireen odayaal dhaqameedyo ku dhaqan gobolada dalka qaarkood, iyagoo falkaasi ku tilmaamay mid bulshada hoggaankeeda lagu baabi'inayo, waxayna caddeeyeen in bulshada gobolada dalka degan ay iska difaacaan dhibaatooyinka kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida ku hayaan dadka, dalka iyo diinta.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|