Somali News
    Hees  

Shirkaddii shidaalka ka qodaysay puntland oo joojisay howlaheeda

Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Shirkaddii shidaalka ka qodaysay puntland oo joojisay howlaheeda.

Kadib war saxaafadeed kasoo baxay magaalada Toronto ee Dalka Canada ayey ku sheegtay Shirkada Horn Petroleum inay joojisay qodistii ceelasha shidaalka maamul gobolleedka Puntland.

Shirkadaan ayaa baaritaan shidaal waxay ka waday deegaano katirsan Puntland waxaana ay Horn Patreleum ay usababeysay in aan la heli Karin shidaal ama gaas dhaqaale badan ayna sidaa darted ujoojisay howshii ay ka heysay deegaanada Puntland.

"Waxaan ceelal shidaal qodis ah kasameynay dooxada DHaroor oo katirsan Gobolka Bari Somalia waxaa adkaatay inan waqti badan kadib aan ku guuleysano in gaas ama shidaal kasoo saarno ceelashii aan ka qodaynay baa lagu yiri warsaxaafadeedka shirkadaas kasoo saartay magaalada Toronto ee Dalka Canada.

Warbixino hoose ayaa sheegaya in Horn Petroleum ay si dadban shidaal uga heshay ceelashii ay qodeyeen taasi oo aysan cidna ku controlin walaw warkaasi uu yahay mid wakaaladaha qaar ay wax ka qoreen.

16-janaayo 2012 ayey ahayd markii ugu horeysay oo shidaal qodis laga bilaabo deegaanada maamul gobolleedka Puntland ee Somalia xilli ay jireen dad badan oo tilaabo aan wanaagsaneyn ku tilmaamay shidaal qodis lagu sameeyo dhul ka mid ah dalka Somalia iyagoo ka digay inay dhaqaalaha ugu badan ee shidaal qodista hadii la helo ay qaadanayaan shirkadaha ama wadamada ku lugta leh shidaal qorista Dalka Somalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)