Somali News
    Hees  

Shirkaddii shidaalka ka qodaysay puntland oo joojisay howlaheeda

Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Siminaar ku saabsan wada shaqeynta odayaasha dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay

Siminaar ay soo qabanqaabisay Hay'adda Wadahadalka bulshada CCD halku dhigiisuna ahaa "Isla wada shaqeynta odayaasha dhaqanka waxay horseedi kartaa nabadda iyo amniga Soomaaliya oo fiicnaada" ayaa magaalada Muqdisho loogu qabtay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

In ka badan 150-odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ayaa ka soo qeyb galay siminaarkaasi, kuwaasi oo jawaabo kala duwan ka bixiyay su'aalo la hor dhigay, iyadoo xubnaha ka soo qeyb galay siminaarka ay ka mid ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf, Wakiilka Ugaaska Shariif Xuseen Jilacow, Sh. Axmed Abuukar Gaabow iyo xubno kale oo fara badan.

Imaam Maxamed Yuusuf oo khudbadda furitaanka siminaarka jeediyay ayaa ka hadlay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo maanta dadka iyo dalka ka samata bixin kara dhibaatada uu ku jiro, wuxuuna sheegay in haddii la kordhiy is aragga ama kulamada odayaasha dhaqanka ay ku guuleysan karaan sidii dalka looga saari lahaa dhibaada uu ku jiro.

"Masiirka dalka mar haddii gacanta odayaasha dhaqanka dib loogu soo celiyo, aniga waxaan is leeyahay Soomaaliya way hagaageysaa" ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf oo dhinaca kale sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin inay bulshadooda ka dul qaadaan dhibaatada heysata.

Wakiilka Ugaaska Shariif Xuseen Jilacow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay yihiin kuwo mar walba isku xiran min Raaskambooni ilaa Raas Caseyr, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in lagu ixtiraamo duubabkooda, taasi oo uu sheegay inay tahay waajibka saaran bulshada Soomaaliyeed, isla markaana odayaasha dhaqankana dhinacooda uu ku kalsoon yahay inay dhibaatada la qeybsadaan ayna dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa midnimo Soomaaliyeed.

"Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyagoo u jeeda in indhaha caalamka nagu soo jeedaan, iyagoo u jeeda Soomaali maanta xaalka ay ku sugan tahay waxaan aaminsanahay inay soo xuli doonaan xubno Baarlamaan oo leh karti, dulqaad, wadaniyadnimo iyo aqoon ay dalkooda uga bixiyaan dhibaatada uu maanta ku jiro" ayuu yiri Shariif Xuseen Jilacow.

Nabadoon Qaalid Cabdi Jimcaale oo ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay diyaar u yihiin inay mugdiga ka saaraan shacabka ay wakiilka ka yihiin, wuxuuna xusay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan odayaasha Muqdisho ay diyaar u yihiin inay caasimada dalka ee Muqdisho ku soo dhoweeyaan kuwa waswaska ka qaba ee oranaya "Muqdisho ma aha meel ammaan ah oo shir lagu qaban karo".

Sheekh Maxaadey Maxamuud Jilacow oo ka hadlayay qaabka odayaasha dhaqanka ee aaminsan fikradaha Al-Shabaab loo soo dumi lahaa ayaa sheegay inay aad u adag tahay oday fikirka Al-Shabaab aaminay in la soo dumo, hadana waxa uu sheegay in odayaasha dhaqanka ay arrintaasi dadaal weyn ugu jiraan, isla markaana ay isku dayayaan sidii kooxaha cadowga Al-Shabaab iyo Al-Qaacida loo kala furfuri lahaa ay tahay muhiimadda ugu weyn.

Dhinaca kale Nabadoon C/llaahi Sayid Cali oo ka mid ah waxgaradka beelaha Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyay in odayaasha dhaqanku ay ku guuleysan karaan sidii loo dejin lahaa shacabka, gaar ahaan xlliyada kala guurka ah oo uu haatan dalku ku sugan yahay, wuxuuna caddeeyay in odayasha dhaqanka ay iminka dadaal ugu jiraan in dalka aanu ka dhicin dagaal sokeeye inta aan la soo dhisin Dowladda cusub.











Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)