|
Saxiixeyaasha Heeshiiska Road Map-ka oo Adis Ababa ku kulmaya... xog hoose
Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Saxiixeyaasha Heeshiiska Road Map-ka oo Adis Ababa ku kulmaya... xog hoose
Waxaa magaalada Adis Ababa ka socda qabanqaabadi ugu danbeysay ee Shirka ay isku imanayaan Magaalada Adis Ababa Saxixeyaasha heshiiska Somalida ee Roadmap.
Kulan ay yeelanayaan saxiixayaasha Raod Map-ka, ayaa waxaa loga hadlayay qodobo xasaasi ah kuwaas oo hada taagan waaxana ugu weyn diidmada qabka lo soo agasimay shirka Odayasha ay ka mujiyeen dhinacyada Galmudug Ahlusunna Waljamaca iyo Puntland iyo qodobo ku sabsan wax ka badalka Dastuurka qabyo qoraalka ah..
Shirkaan waxaa soo agaasimay Qaramada Midoobay waxaana ka qeyb geli doona dhammaan Saxiixayaasha Raod Map-ka, sidoo kale kulanka waxaa goob joog ka ahaan doona, wakiillo ka kala socda Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo wadamada kale ee beesha caalamka.
Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan dalka Burundi ayaa kulanka ka qeybgali doona, waxaana lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan uu tago magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgeli doonaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo hadda ku sugan dalka Itoobiya, sidoo kalena waxaa hadda Itoobiya ku sugan Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin.
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagana la filaayaa in ay gaaraan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya si ay uga qeybgalaan kulanka, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgeli doona maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan Ahlu Sunnada gobolada Konfureed iyo Ahlusunnada gobolka Banaadir oo labadooda hogamiye ay ka mid yihiin Saxiixeyaashi Raodmapka.
Kulanka waxaa la filaayaa in si adag looga doodo qodobada dastuurka ee ay dhinacyada qaar ku arkaan kuwa aanay dani ugu jirin, Madaxweyne Shariif, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Madxaweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Hogaamiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Aw-libaax Gudomiyaha Ahlusunada Banadir Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa dhamaantood waxay dood ka qabaan qodobo dhowr ah oo dastuurka ku jira, inkastoo ay aragti ahaan ay ku kala duwanyihiin waxyaabaha ay diidanyihiin.
SIDE AYAY U KALA SAFANYIHIIN SAXIIXEYAASHA ROAD MAP
Kulankaan aya waxaa uu si weyn uga duwaan yahay Kulamadi hore waxana xiisa badan u yeelaya sida ay Saxiixayaasha Roadmap ay u kala safan yihiin.
Ahlusunna Waljamaca Galmudug iyo Puntland oo Xariirkoodu in badan qaribna aya hada waxaad moda in ay isku soo dhawadeen waxayna ka mideysan yihiin in Hogaamiyeyaasha Dowlada kmg ah ee hada jirta aysan soo laaban waxaay sido kale isku diidan yihiin qodobo kale balse waxaa ugu muhiimsan oo ay ka siman yihiin ayaa ah in wax laga badalo qaabka shirka lo agasimay oo ay awoodi shirka si toos ah ula waregtay Dowlada kmg ah ee Somalia.
Dhanka dowlada kmg ah ee Somalia waxaa isku firkir ah dhaman masuliyinta sare ee Dowlada sida Madaxweyne Shariif R/wasaare Gaas iyo Gudomiyaha Barlamanka Shariif Xasan waxaayna aaminsan yihiin in ayaga loga danbeyo dhamaystirka Xiliga kala guurka ah iyo Shirka Odayaasha.
SIDE KU YIMID SHIRKA ADIS ABABA
Shirka ka furmaya Magaalada Adis ababa aya waxaa uu yimid ka dib marki Hogaamiyaha Ahlusunna Waljamaaca ee gobolada konfureed kana mid ah Saxiixeyaashi Raodmapka u dowlada kmg ah u gudbiyay in usan ku qanacsanayn qabka Dowlada kmg ah ay shirka u Agaasimtay asago shegay in Dowlada kmg ah ay iska indho tirtay Awoodi Saxiixeyaasha Roadmapka.
Dowlada kmg ah aya dhagaha ka fureysatay baqi ugu yimid ahlusunna Waljamaca waxaayna ku adkaysatay in shirka odayasah uu sii socon doono .
Intaasi ka dib waaxaa shir wada qatay Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaca waxayna si wada jir ah fariin u garsiyeen Ergayga gaarka ah ee UN ka u qabilsan Somalia Ambasadoor Mahiga waxaa intaasi ka dib Galmudug iyo Ahlusunna Xirir dhanka telefonka ah la soo sameeyay Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole waxana uu shegay in Puntland aysan ku qanacsanayn qaabka ay wax u socdan dhankisana u warqad u diray Beesha Calamka.
Codsiyadaas ka kala imanayay Galmudug Ahlusunna Waljamaac iyo Puntland ee soo garayay Beesha Calamka aya waxaay sabab u ahayeen in la qabto Shirka ka dhici doona Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Wadanka Itobiya.
Nuur M. Caynta
Ainte@yahoo.com
Adis Ababa Itobiya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|