|
Maraykanka oo Dowladda KMG ah ugu deeqay Qalab Milatari oo noocyo kala duwan leh
Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka oo Dowladda KMG ah ugu deeqay Qalab Milatari oo noocyo kala duwan leh.
Dowladda maraykanaka ayaa Dowladda KMG ah ugu deeqday qalab Milatari oo casri ah, iyadoo Dowladda KMG ah ay ay la wareegtay qalabkaasi Milatari oo ay ugu deeqday dowladda Maraykanka, kadib markii loo soo marsiiyay Ciidamada AMISOM.
Qalabka Militari ayaa waxaa shalay la wareegay dowladda KMG Somaaliya , wuxuuna qalabkaasi isugu jiraa noocyo kala duwan oo kala ah: 26 gaari oo 16 ka mid ah yihiin Baabuur waa weyn halka kuwa kalana ay isugu jiraan Baabuur loogu tala galay Madaxda iyo kuwa dagaalka ee ciidamada Hogaamiya.
Taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Guti oo ka hadlay Munaasabadii qalabkaasi loogu wareejinaayay Dowladda KMG ah ayaa sheegay in qalabkaani uu yahay mid Maraykanka uu ugu deeqay dowladda KMG Soomaaliya.
Maraykanaka ayaa sheegay in qalabkaasi Milatery uu qeyb ka yahay ka qeybqaadashada dhisida Ciidamada Dowladda KMG ah, waxaana agabkaasi Milatery si buuxda loogu wareejiyay Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale Munaasabadii qalabkaasi lagu kala wareeayay ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka ganacsiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeen C/wahaab Ugaas Khaliif oo isagu dhaweeyay dadaalka beesha Caalamka iyo dowladda Maraykanka ay ku bixinayaan Soomaaliya, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Maraykanka deeqdaasi ay soo gaarsiiyeen.





Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|