Somali News
    Hees  

Soomaali Qaad dartii loogu maxkamadaynayo dalka Masar

Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Soomaali Qaad dartii loogu maxkamadaynayo dalka Masar

Maxkamad ku taala gobolka Alexandria ee dalka Masar ayaa qaaday dacwad ka loo haysto 13 ruux oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya iyo Yemen kuwaasoo lagu eedeyay inay dalkaasi si sharci darro ah ku galiyeen maandooriyaha Qaadka.

Dacwad oogayaasha ayaa ka hor cadeeyay dadkaan oo qaarkood Soomaali yihiin inay dalkaasi galiyeen maandooriye qaad ah oo qiimihiisa lagu qiyaasay 5 million oo Dollar unas dhiganta 10,000 oo bounka Ingiriiska ah.

Maxkamada ayaa sheegtay inaan willi wax go’aan ah la qaadan karin haddana ay willi sii socon doonto dhageysiga dacwadooda

Qareenka u doodaya raggaan Soomaalidu ku jirto ee lagu eedeeyay inay Qaad galiyeen wadanka Masar Frank Salvato ayaa sheegay inay rajaynayaan inay racfaan ka qaataan go’aanada ay maxkamadu gaarto waxaase wararku qaar sheegayaan in dhalinyaradaan ay xukuno adag wajihi doonaan.

Qaadka ayaa si caadi looga isticmaala wadamada Africa iyo qeybo ka mid ah wadamada dhaca bariga dhexe dalka Masarna waxaa lagu geeyaa si kotorobaan ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)