Somali News
    Hees  

Madaxii Xisaabiyaha Shirkada SKA oo la goostay dhaqaale ay leehayd shirkadaasi

Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxii Xisaabiyaha Shirkada SKA oo la goostay dhaqaale ay leehayd shirkadaasi.

C/sitaar Xasan Cali Madaxa arimaha bulshada Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay in Madaxii Maaliyadda Shirkadda SKA ee Maamusho Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishoin uu dhaqaale kala goostay Shirkadaasi, laguna qabtay dalka Kenya.

Madaxa arimaha bulshada Safaaradda Soomaaliya waxa uu sheegay in dalka Kenya lagu qabtay nin xisaabiye u ahaa Shirkada SKA ee maamusha Garoonka diyaaradaha kaasi lacag kala soo goostay Shirkaddaasi.

C/sitaar waxa uu sheegay in ninkaani oo ah Kirishtaan u dhashay wadanka Masar lacagta uu la goostay ay dhan tahay 360- Kun oo dollar hadana baaritaan lagu hayo nnkaasi oo lagu qabtay Magaalada Wajeer ee Waqooyi Barri dalka Kenya.

Shirkadda SKA ayaa inay maamusho Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa u ogaaladay inay Maamusho Garoonka Maxkamada sare ee dowladda KMG ah, waxaana Maamulka gobolka Banaadir uu horay ugu eedeeyay Shirkadaan in ay shaqaaleysiiso shaqaale ajanabi ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)