|
Qaraxyo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo khasaare gaystay
Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qaraxyo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo khasaare gaystay.
Waxaa maanta qaraxyo khasaare gaysteen ay ka dhaceen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyadaasi ay gaysteen khasaare Dhaawac ah.
Bambooyin gacmeedyo ayaa waxay maanta ka dhaceen Suuqa Dahablaha iyo Cabdala Shideeye Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay sheegeen Saraakiisha dowladda ee suuqaasi ku sugan.
Labada qarax ee ka kala dhacay Dahablaha iyo Cabdalla Shideeyaha ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 7 ruux oo 6 ka mid ah ay ku dhaawacmeen qaraxa koowaad ee ka dhacay Cabdalla Shideeye, halka hal ruuxa kalana waxa uu ku dhaawacmay qaraxa kale oo ka dhacay Suuqa Dahablaha.
Taliska ciidamada booliska Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay jiraan ayna u qabteen ilaa 40- ruux oo uu sheegay Sarkaalkaasi in qaar ka mid ah la hubo inay ahaayeen dadkii ka dambeeyay qaraxyadaasi maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|