|
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Burundi
Mogadishu Sabti 19 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Burundi ayaa waxa uu kulamo halkaasi kula yeeshay Madaxweynaha dalkaas Burundi.
Madaxweeynaha oo saxaafada kula hadlaayay Garoonka diyaaradaha ee magalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa ka hadlay safarkiisa Burundi waxa uu ku saabsan yahay, wuxuuna uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka Burundi dadaalada nabadeynta ee ciidamadooda ka wadaan dalka Soomaaliya iyagoo qeyb ka ah Ciidamada AMISOM.
Tenece Sinigurusa oo ah madaxweyne ku xigeenka Burundi iyo madax kale oo sar sare ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Bujumbura ku soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif.
Madaxweynaha Somaliya ayaa kulan la qaatay dhigiisa madaxweynaha wadanka Burundi Pierre Nkurunziza waxaana uu tilmaamay in ay ka wada hadli doonaan qeybta ay ka qaateen ciidamada Burundi xorayntii magaalada Muqdisho oo ay dagaalo kula jireen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ka uga mahad celiyay shacabka reer Burundi iyo askartooda ku sugan Somaliya sida wacan ee ay u barbar istaageen shacabkooda walaalahooda ah ee Somaaliyeed, wuxuuna Madaxweynaha muujiyay sida uu raaliga uga yahay soo dhaweyntii halkaasi loogu sameeyay.
Dhan kale Burundi ayaa ciidamadooda waxa ay ka mid yihiin ciidamada ka qeyb galaya howlgalka Military ee Ciidamada midowga Africa ee AMISOM.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|