|
QM oo dalbatay in maxkamada Soomaaliland ay ka laabato xukun ay ku riday dad rayid ah
Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

QM oo dalbatay in maxkamada Soomaaliland ay ka laabato xukun ay ku riday dad rayid ah
Wakiilka gaar ah eeQ,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa cambaareeyay dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ee dhex maray ciidamada amaanka maamulkaasi iyo dad shacab ah.
War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska danjire Mahiga ayaa waxaa lagusheegay in Q,M ay aad uga walaacsan tahay waxa Hargeysa ka dhacay iyo waliba khasaaraha ka dhashay ee soo gaaray dadka shacabka iyo ciidamadii isku dhacay.
Mahiga waxaa uu sidoo kale warkiisa ku tilmaamay inuu ka walaacsan yahay go’aanka ay maxkamada ciidamada ku gaartay in xukun dil ah lagu rido 17 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen xero ciidan oo magaalada Hargeysa waxaana uu ugu baaqay madaxda Soomaaliland inay ka laabtaan xukunka dilka ah ee maxkamadu riday.
"Waxaan ka naxsanahay sida ay wax u dhaceen iyo khasaraha nafeed ee dhashay waxaan sidoo kale ka walaacsan nahay xukunka dadka rayidka ah maxkamadu ku riday" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Q,M ee arrimaha Soomaaliya ee UNPOS ee Augustine Mahiga madaxda ka yahay.
Dhinaca kale Soomaaliland ayaa horay u sheegatay inay Soomaaliya inteeda kala ka go’day ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha nabdoon marka dhulka Soomaaliya loo eego.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|