Somali News
    Hees  

Taageere lacagtii uu ku guursan lahaa ku kharash gareeyey finalkii Champione-ka (Qubanayaal Sport)

Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taageere lacagtii uu ku guursan lahaa ku kharash gareeyey finalkii Champione-ka (Qubanayaal Sport)

Garoomada laga duulo ee London ayaa qaabilayay duulimaadyadii ugu badnaa ee Anglo-German ah tan iyo dagaalkii 2-aad ee dunida iyadoo ay halkaa soo mareen in ka badan 45 kun oo ah taageerayaasha Chelsea.

Safafka amaanka lagu hubinayo ee garoomada Stansted iyo Gatwick ayaa waxaa buuxiyay funaanadaha ciimadamada buluuga ah ee u duulayay Allianz Arena.
Dhanka Jarmankana garoon kasta oo halka lagu ciyaarayo 300 oo mile u jiray waxaa isticmaalayay dad ciyaarta u socday gaar ahaan magaalooyinka Memmingen, Saltzburg, Zurich, Milan, Prague, Stuttgart, Frankfurt iyo Paris.

Dadku waxay iskaga yimaaden dunida oo idil si ay ciyaarta uun ugu dhowaadaan. Nin baa kasoo duulay Bermuda isagoo soo maray New York halka mid kale uu ka yimid Brisbane, Australia isagoon xitaa ticket wadanin.

Tan ugu daran ayaase ah Billie Davies oo 27 jir oo ay qoyskiisa oo idil Chelsea taageeraan isla markaana aan kulan ka maqnaanin mudo 18 sanadood ah.
‘’Waxay noqotay inaan lacagtii aan arooskayga ugu talagalay aan ku bixiyo kulankan iyo safarkiisa’’ ayuu yiri Davies oo intaa raaciyay ‘’ Waxaan wacay khadiibadeyda oo aan ku iri wax kastood sheegtaba kulankan ka baaqan maayee ku faraxsanoow’’.

Davies ayaa sheegay in guurka isaga iyo khadiibadiisa oo u doonayd mudo 18 bilood ah uu dhacayo bisha August iyadoo qaybta soo dhoweynta la dhigi doono 11 kursi oo lagu qori doono 11-ka laacib ee safka hore kusoo gashay kulankii dhamaadka koobka horyaallada Yurub ee ay Bayern rigooraha kaga adkaadeen.

GOOL FM

Balotelli: ‘’Waan is xakamayn doonaa lkn dad baa xitaa qora xilliga aan baxayo iyo……
Mario Balotelli ayaa u balanqaaday macalinkiisa Cesare Prandelli inuu wax iskula hari doono ugu yaraan ilaa iyo inta ay socdaan ciyaaraha Yurub ee fooda inagu soo haya waloow uu aad uga cowday wargaysyada qora waxyaabaha facsharka ah.

Weeraryahankan ayaa ku caan baxay kaararka cas ee uu qaato, dagaallada bilaa micnaha ah ee uu garoonka ka sameeyo iyo dabci kulaylkiisa taasoo sababtay inuu macalinka Talyaanigu digniintii ugu dambaysay siiyo.

‘’Waxaan ku riyoonayay inaan Euro ciyaaro anigoo metelaya Talyaaniga tan iyo caruurnimadaydii’’ ayuu Balotelli u sheegay Corriere dello Sport.
Balotelli ayaa soo hadal qaaday wargaysyada facsharka ah ee waxyaabaha xun ka weriya. ‘’Kuwaasi maaha wargaysyo dhab ah. Way uun I daba socdaan habeen iyo maalin, xitaa waxaa jira qof waabta gurigayga hortiisa si uu u qoro xilliga aan soo gelayo iyo xilliga aan baxayo’’ ayuu yiti Super Mario oo ku kaftamay in warqadaha laga qoray uu album ka dhigi karo waloow boqolkii wax oo laga qoro ay shan kaliyihi ka run tahay sida uu qabo isagu.

Balotelli ayaa lagu yiri wax ka baro qaswadaha kale ee reer Talyaani Antonio Cassano (Fantantonio) oo laftiisu degey tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu guursaday.

GOOL FM

AC Milan oo go’doonsan…!!!
Dhanka kale gudoomiye xigeenka Milan Adriano Galiani ayaa sheegay inay Milan kooxaha Yurub ugu jirto wax uu ku tibaaxay ‘Go’doomin rasmi’ ah
‘’Waa inaan iska caabinaa go’doomintan maadaama ay kooxaha Yurub u waalanayaan saxeexa Thiago Silva’’ ayuu yiri Galiani oo la hadlayay La Gazzetta dello Sport.

Sida ay qorayaan Corriere dello Sport iyo Tuttosport Milan way aqbali doontaa yaboohan hadii qiimaha la gaarsiiyo 40 milyan oo Euro waloow uu Maldini shalaytoole ka digay inay Milan iibiso Silva iyo Ibra.

Kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo Paris Saint-Germain ayaa kusoo biiray kooxda Barcelona oo horaanba daba socotey saxeexa daafaca birta ah ee reer Brazil oo ay Milan 30 milyan oo Euro ku diiday sida wararku sheegayaan.
AC Milan oo gadatay goolhaye Gabriel..!

Waxaa soo baxay warar sheegaya inay Milan xaqiijisay goolwalaha da’da yare e u ciyaara kooxda Cruzeiro ee dalka Brazil.
Goolwalahan oo magaciisa oo buuxaa uu yahay Gabriel Vasconcelos Ferreira ayaa dooqa 3-aad ka noqonaya Christian Abiati iyo Marco Amelia iyadoo sida uu sheegay Sky Sport Italia uu laacibkani Milan ku yimid lacag aad u macquul ah.

Gabriel oo sida lagu wado isniinta u dhoofi doona Milano si uu tijaabo caafimaad u maro ayaa haysta baasaboor Yurub ah taasoo ka dhigan inuusan Milan ka khasaarin doonin qoondada loogu tala galay laacibiinta aan Yurubta ahayn.

Nagala soco GOOLFM.NET
Waxaaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)