Somali News
    Hees  

Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo laba laabtay u kaalmeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Kenya

Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo laba laabtay u kaalmeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mud Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa gudoonsiiyey muwaadin Soomaaliyeed oo curyaan ah deeq lacageed iyo gaariga curyaamiinta loogu talagalay inay ku socdaan.xiliga ay doonaan.

Muwaadinka oo la guddoonsiiyey deeqda lacageeyd ayaa ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka Kenya isla markaana ka codsaday masuliyiinta safaarada inay wax u qabataan xili ay hayso dhibaato .

Muwaadinka oo la guddoonsiiyey qalabka iyo lacagta ayaa uga mahadceliyey Safiirka xukuumadda dalka Soomaaliya u Fadhiya dalka Kenya deeqdaan wax ku oolka ah iyo gaariga ee uu ugu deeqay. Safiirka .

Munaasabadii deeqdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan safaarada dalka Kenya ee dalka Soomaaliya iyo madaxa laanta Socdaalka Soomaaliya Jeneraal Gaafow oo howlo shaqo u jooga dalka Kenya.

Ma aha markii ugu horeysey ee uu safiirka Soomaaliya u fadhiyo dalka Kenya uu u fidiyo gargaar dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Kenya, waxana uu safiirku sheegay in ay safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Kenya ay sii wadi doonto u gargaarida muwaadinmiinta Soomaaliyeed eek u dhibaateysan gudaha dalka Kenya.

Safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Kenya ayaa waxa ay ka mid tahay safaaradaha faro ku tiriska ah ee dowlada Soomaaliya ku leedahay dalalka dibadda ee caawiya muwaadiniinta wadamada dibada ku nool.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)