|
Madaxda Ahlusunna Waljamaca oo Adis Ababa u dhoofay si ay uga qayb galan Shirka Saxiixeyaasha Roadmapka
Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Madaxda Ahlusunna Waljamaca oo Adis Ababa u dhoofay si ay uga qayb galan Shirka Saxiixeyaasha Roadmapka.
Wararka naga soo garaya Magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Somalia aya waxaay tibaxayaan in manta magaladaasi ay ka ambabaxeen Madaxda ka tirsan Maamulka Ahlusunna Waljamaca ee Gobolada Somalia.
Wafdigaan aya waxaa hogaaminayay Gudomiyaha Ahlusunna ee Gobolada konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf waxana ku weheliyay Safarkaasi Gudomiyaha Ahlusunna ee Gobolka Banadir Cabdiqadir Khaliif Macalin Nuur iyo Xubno kale.
Wafdigaan aya waxaay Magaalada Adis Ababa uga qayb galayaan Shirka Saxiixeyaasha heshiiska Road map ee malinta bari ah magaladaasi uga furmaya Saxiixeyaasha heshiiska Roadmap waxaa sido kale shirkaasi si toos ah uga qayb galaya Midowga Afrika, Midowga Yurup, Mareykanka iyo Qaramada Midobay.
Shirkaan aya waxaa uu noqonaya Shirki ugu horeyay ee ka mid ah Raodmapka oo lagu qabto dalka dibadiisa waxana sababay in lagu qabto meel ka baxsan Somalia khilaaf harey saxiixeyaasha Heshiska Road map oo ayagu si weyn ugu kala fikir duwan dastuurka qabyo qoraalka iyo wadada ay dowlad kmg ah u martay agasimka shirka Odayaasha ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Wafdigaan ka socda Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaay la shartagayaan shirka adis ababa in dastuurka qabyo qoraalka ah laga saaro qodobo badan oo ka horimanaya diinta Islamka iyo qodob kale oo dib laga daray dastuurka kaas oo dhigaya in qof wata jinsiyad kale usan isku soo sharixi karin Madaxweynenimada Somalia waxaayna ku andacoonayan in qodobkaas ay dustuurka ku darsadeen Madaxweyne Shariif iyo Gudomiyaha Barlamanka Shariif Xasan sh. Adan waxaa sido kale ay si weyn uga doodayan sida qaldan ee dowlada kmg ah ay u soo abaabushay Shirka odayaasha ee muqdisho ka socda.
Shirkaan aya waxaa uu noqonaya shirki ugu xasaasi sana ee shirarki isdaba jooga aha ee daba socday Qorshaha Roadmapka ee ka kala dhacay Muqdisho Gawoowe iyo Galkacyo waxana shirarkaasi la iskugu iman jiray ayado saxiixeyaasha ay is ku fikir dhow yihiin balse hada xaalku sidi waa ka duwan yahay.
........................................................
Maxamed Cabdilahi Muuse
Warbaahinta"aol.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|