|
Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo ka hadlay safaradii uu ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah
Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo ka hadlay safaradii uu ku soo kala bixiyay dalal dhowr ah.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay shalay gelinkii danbe Garoonka Diyaaradaha Muqdisho markii diyaarad qaas ah ay ka soo dejisay garoonkaasi isaga iyo Wafdigii la socday.
Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda iyo saraakiisha ugu sareysa AMISOM sida Gudoomiyaha Baarlamaanka,Ra'iisulwasaaraha, wasiiro, Taliyaha ciidamada AMISOM iyo mas'uul ka tirsan Midowga Afrika ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha, iyadoo sidoo kale cutubyo ciidamada Milataarka ka mid ah ay salaan sharaf ka qaateen madaxweynaha.
Wafdiga madaxweynaha ayaa soo labashadiisa kadib saxaafada uga warbixiyay safarkii shaqo ee uu dalal badan ku soo maray sida Mareykanka,Uganda iyo Burindi, waxaana uu sheegay madaxweynaha in safarkiisii ugu horeeyay ee Mareykanka kaga qeybgala kullankii Golaha Ammaanka ee QM oo ku soo idlaaday Magaalada New York.
Madaxweynaha waxaa uu carabka ku dhuftay in shirkii Qaramada Midoobe looga dhagaystay xaaladihii u dambeeyay ee dalka marka la fiiriyo dhinaca amniga iyo siyaasadda, kasoo qeyb galayaashii kullankaasi ayuu sheegay Madaxweynuhu inay aad ugu farxeen halka ay tiigsatay dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale dalalka Uganda iyo Burundi ayuu sheegay Madaxweynuhu inuu kala soo hadalay xaaladaha Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa la dagaalanka ka dhanka ah Al-Shabaab xili ciidamada ugu badan ay labadaasi dal ka joogaan Soomaaliya.
Waxaa kale uu madaxweynuhu soo hadal qaaday shirka Istanbul ee dhawaan arrimaha Soomaaliya looga hadli doono,waxaana uu ku booriyay dhamaan siyaasiyiinta Soomaalida ee ka qeybgaleysa shirkaasi inay u diyaar garoobaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|