Somali News
    Hees  

Ciideamada Dowladda KMG ah oo saakay howlgal ka sameeyay gudaha suuqa bakaaraha 

Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciideamada Dowladda KMG ah oo saakay howlgal ka sameeyay gudaha suuqa bakaaraha 

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa saakay suuqa Bakaaraha waxay ka sameeyeen Howlgalo, iyadoo ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan baaritaano ay ka samaynayaan qeybha kala duwan ee uu suuqaasi ka kooban yahay.
 
Baaritaanada saakay ayaa waxay sababeen in gabi ahaanba uu xirmo ganacsigii suuqaasi, iyadoo ciidamadu saakay aroortiiba xireen isku socodka dadka iyo gaadiidka gaar ahaan wadooyinka gala suuqa iyo kuwa ka baxa.

Wararka ku dhow dhow taliska nabad sugida Dowlada KMG ah ayaa sheegaya in ciidamadu baaritaano ku sameynayaan saakay goobaha ganacsiga qaarkood kuwaasoo loo maleynayo inay bartimaameed u yihiin ciidamada nabad sugida lamana yaqaan inta ay ku qaadan doonto ciidamada Nabad sugida.

Baaritaanada ayaa la sheegayaa inay ka dambeyso kadib qaraxo shalay suuqaasi ka dhacay, kuwaasoo lala eegtay ciidamada Dowlada KMG ah taasoo keentay dhimashada 2 aksari iyo 3 shacab ah iyo waliba dhaawac ku dhawaad 10 ruux.

Sidoo kale waxaa saakay maalintii labaad galaya burburinta dhismayaasha sharci darada ah ee gudaha suuqa xili shalay howlgal balaaran oo burburin ah suuqaasi ay ka sameeyeen maamulka Gobolka Banaadir oo qalab burburinta wata islamarkaana garab ka helaya boliiska iyo n abad sugida.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)