|
Ciidamada Yemen oo sheegay inay xalay dileen dhalinyaro Soomaaliyeed
Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Yemen oo sheegay inay xalay dileen dhalinyaro Soomaaliyeed
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada military-ga dalka Yemen 5 ruux oo Soomaali ah laguna eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Qacida ee Yemen ku sugan in lagu dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay deegaano ku yaala koofurta wadankaasi.
War ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga wadanka Yemen oo lagu qoray wargeyska The Yemeni Post ayaa waxaa lagu sheegay in dagaal ciidamada dawlada iyo dagaalyahano ku dhex maray deegaano ku yaala bartamaha gobolka Baydaa ee koofurta wadankaasi Yemen lagu dilay illaa iyo 36 dagaalyahan oo 5 ka mid ah ay Soomaali yihiin sida warka ku qoran.
Warkaan waxaa lagu sheegay dagaalka oo muddo badan socday ay kaqeyb qaateen gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha kaligood is wada ee Maraykanku leeyahay iyo kuwa dagaalka ee dawlada Yemen leedahay.
"Shan ruux oo Soomaali ah ayaa ku jira dadka aanu dilnay waana ay cadahay oo waxay ka bar bar dagalamayeen Al-Qacida" ayaa lagu yiri warka ay soo saartay wasaaradda gaashaandhiga wadanka Yemen.
Bartamihii todobaadkii hore ayay aheyd markii sidaan oo kale Maraykanku sheegay inay dalka Yemen ku dileen dhalinyaro Soomaaliyeed oo Al-Qacida ka tirsanaa kadib duqeymo ay ka geysteen magaalo Jacar la yiraahdo oo qiyaastii 10 km u jirta magaalada Sanca.
Dawlada Yemen waxay sidoo kale xabsiyada u taxaabtay dhalinyaro kale oo Soomaali ah kuwaasoo doonayay inay dalka dib ugu soo laabtaan kadib markii lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-Qacidada Yemen ka dagaalanta.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|