|
Taageerayaasha Somaliland ee ku nool Uganda oo 2 goobood ku kala xusay 18-ka May.
Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Taageerayaasha Somaliland ee ku nool Uganda oo 2 goobood ku kala xusay 18-ka May.
Taageerayaasha Somali land ee ku nool dalka Uganda ayaa sanad guuradii 21 aad ee 18 - ka May ku kala xusay laba hotel oo ku yaal magaalada Kampala taas oo si cad u muujisay kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Beelaha Isaaqa .
Goob jooge ka wada qeyb galay labada xafladood ayaa ii sheegay in xafladaha lagu xusayay 18 - ka May ay soo kala qaban qaabiyeem beelaha HABAR JECLE iyo HABAR YOONIS oo bilihii ugu dambeeyay dhinaca siyaasada kusii kala fogaanayay.
Tan iyo wixii ka dambeeyay Xukunkii Daahir Rayaale waxaa isa oo tarayay khilaafka u dhaxeeya beelaha Isaaqa , aqoon yahanada siyaasada ku lafa murxay ayaana Daahir Rayaale ku tilmaamay un uu ahaa astaan u taagneyd midnimda iyo jiritaanka Somali Land maadaama uu kasoo jeeday beesha Guda biirsi.
Afar ka mid ah Shan beelood ee wada daga Somali land ayaa sameystay maamul goboleedyo u gaar ah isla markaana si cad u muujiyay in ay Somali Weyn ka mid yihiin,waxeyna maamul goboleedyadaas kala yihiin KHAATUMO STATE, AWDAL STATE, MAAKHIR STATE iyo RAAS CASEYR STATE,waxeyna arintan oo sii xoogeysata keeni doontaa in beesha Isaaq oo kaliya ay kusoo harto sheegashada Somali land.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|