|
Xildhibaan Maxamuud Geedi : "Qabuuraha la qodaayo qoomamaa ka dambeyn doonta"
Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xildhibaan Maxamuud Geedi : "Qabuuraha la qodaayo qoomamaa ka dambeyn doonta"
Maqaalkii aan qorey laba (2) sano ka hor, wuxuu ii rumoobey markaan dhowaan aan qalabka warbaahinta ka maqley Ali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto) oo dhahaaya "Alle ayaan uga towbad keenay dhibaatadii aan ummada Soomaliyeed horey ugu geystay ee fadlan haleyska key cafiyo"
Sida la wada ogsoon yahay Cali Jeesto, xilligii ololaha Qabuuro faagista wuxuu Al Shabaab u qaabilsanay guud ahaan hawl-gallada gobalka banaadir, ha yeeshee waxaan aniga ila habboon inuu dadku iska cafiyo, haddii ay ka run tahay towbad keenkaas, asiga iyo Ilahayna haleysu daayo, maadaama ninkaan dembiga uu galay Alle keliya uu xisaabi karaayo.
Sidoo kale waxaa ila habboon in leyska cafiyo ciddii kale ee ka towbad keentay, wadaddii qaldaneed, sida diin iyo manhaj qaldan oo Nabiga iyo asxabaddiisa looga been abuuraayo, sida Fu'aad Mohamed Khalef ( Shongole) oo yiri " dadka dega waqooyiga Muqdisho ilaa Xaradheere dhiigoodu waa bannaan yahay, xaasaskooda iyo xoolahoodana waa la qanimeysa karaa"
Sidaas awgeed, waxaan Madaxweynaha dalka Sheikh Shariif Sheikh Ahmed si xushmad leh uga codsanayaa in uu mar kale cafis guud u fidiyo dembiilayaashaan qaldamey kuwii towbad keeney iyo kuwa hadda raba inay towbad keenaan.
Xildh. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Dubai, U.A. E.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|