Somali News
    Hees  

Reer Gaalkacyo oo si weyn ugu Farxay  Waxqabadka Isbitaalka Indhaha al Nuur iyo Dadaalka Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar....

Mogadishu Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Reer Gaalkacyo oo si weyn ugu Farxay  Waxqabadka Isbitaalka Indhaha al Nuur iyo Dadaalka Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar....

Waxaa Maalmahaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka MUdug ka socday Howlo samafal oo Isbitaalak Indhaha Alnuur ka Fulinayay Halkaasi Kuwaasoo si Bilaash ah Lagu Caawinayay Bukaano aad u fara badan oo ka kala yimid Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Deegaanada Ku Xeeran si ay uga Faaideystaan Fursadaasi uu ugu Talagalay Isbitaalka Indhaha Al Nuur oo ah Isbitaal  Markasta Gacan ka geysta Baahida Caafimaad iyo daryeelka Bukaanka  u Bahan in laga Caawiyo dhinaca araga kuwaasoo isbitaalku ugu Tala galay  Baaris iyo daweyn Labadaba,waxa ayana ku Tilmaameen Arintaasi wanaagsan ee Isbitaalka Indhaha Alnuur ka wado Gaalkacyo Bulshada halakasi dega mid Ku daysho mudan iyagoo xusay in Taariikhdu xusi doonto waxqabadkii uu Umaddiisa ugua deegay DR Cabdirisaaq Axmed dalmar oo ah Khabiir ku Taqasusay  Cudurada ku dhaca Indhaha iyo Daweyntooda Mudo dheerna ku soo Dhexjiray Howlaha Dhinaca Caafimaadka.

Gudoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahana Maamulaha isbitaalka Indhaha Alnuur Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo gudaha Gaalkacyo Saxaafada ugu waramay ayaa ka warbixiyay Safarkooda Caafimaadka la xiriira ee ay ku Joogaan Gaalkacyo waxa uuna ugu Horeyntii u Mahadceliyay 2 Maamul ee GalMudug iyo Puntland ee ka jira Magaalada iyo sidoo kale Bulshada deegankaasi oo Runtii aad u soo dhaweeyay markii ay Howlaha ka bilaabeen Gaalkacyo oo ay dhowr jeer ka fuliyeen Isbitaalada ku Yaala Magaalada .

DR Dalmar waxa uu sheegay in adeegaan uu wado isbitaalka Indhaha Alnuur uu yahay Samafal lacag la aan ah oo lagu Caawinayo Bukaanada la ildaran xanuunada iyo dhaawacyada soo gaara indhaha isagoo xusay in Loogu Tala galaya deegaan inay ka faaideystaan 1800 oo qof hadana Tiradii ay ka sii badatay  Bukaanaduna ay soo badanayaan marba marka ka dambeysa shalyna ay marayeen Tirada is diiwaan Galisay ilaa1968 Bukaan.

Dr Cabdirisaaq Axmed Dalmar waxa uu Hoosta ka Xariiqay in 500 oo Bukaan la siinayo Okiyaalkii araga,halak 300 oo Bukaan oo indhaha waxba ka arkeyna loo sameynayo adeeg caafimaad.

Baarista waxa ay mareysaa Gaba gabo waxa ayna ku egtahay 25ka Bishaan' ayuu yiri Dr Cabdirasaaq  Dalmar Maamulaha Guud ee isbitaalka Indhaha Alnuur' isago Intaasi Raaciyay in 308 Bukaan ah loo sameeyay daweyn waxa uuna xusay in Howshu ay u socoto sidii Loogu talagalay isla markaana adeega Isbitaalka Indhaha Alnuur uu hayo Shacabkiisa ay tahay Mid Joogto ah.


Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Dowlada KMG Mr Ducaale Aaadan Maxamed ayaa isaguna u Mahadceliyay Dr Dalmar iyo Isbitaalka Indhaha Alnuur waxa uuna sheegay in Bulshadu ka wada dharagsan tahay adeega waxqabad ee uu Isbitaalka Indhaha Alnuur u hayo isagoo Ugu Baaqay Maamulka IYo Howlwadeenada isbitaalka inay dadaalkooda sii Kor djiyaan.

Isbitaalka Indhaha Alnuur waxaa laga Furay xaafadda Banderwanaag ee Degmada Huriwaa oo ka Tirsan Gobolka Banaadir 22-9=2002 waxaana mudadii uu jiray uu ku Talaabsaday  Horumar Caafimaad oo ay ku diirsadeen Bulshada Soomaaliyeed isagoo Adeegiisa Cafimaad looga kala yimaado gudaha iyo dibada Wadanka.

Waxaa Diyaariyay

Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)