Somali News
    Hees  

BAYERN V BLUES: Maxaad ka ogtahay kulankan..???

Gothenburg Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Waxaa caawa geesaha iskula jira camaaliqooyinka waawayn ee qaaradda Yurub oo sanadkan ku qalboobtamaya koobka horyaallada Yurub Dufcadda 2011-12 hadaba maxaan ka ognahay xaqiiqooyinka kulankaasi..?

MA OGTAHAY...??!!

Bayern Munich waxay badisay 13 ka tirsan 14-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaartay Allianz Arena iyadoo kan kalana barbarro noqotay.

Hadii kooxda reer Bavaria ay caawa badiso waxay ku biiraysaa kooxda Liverpool oo 5 jeer koobkan qaaday iyadoo markaa 3-aad ka noqonaysa safka kooxaha ugu guusha badan koobkan iyadoo ay ka horeeynayaan uun AC Milan 7 jeer iyo Real Madrid 9 jeer.

Kooxdan Bundesliga ka ciyaarta waxay noqonaysaa kooxdii 3-aad ee finalka timaada iyadoo garoonkeeda lagu ciyaarayo iyadoo ay ka horeeyeen Inter oo 1965-kii koobka Sansiro ku hanatay iyo Roma 1984-kii waloow Roma aysan koobkii calfanin.

Hadii ay Bayern guulaysato waxay macalinkooda Jupp Heynckes ka dhigi doontaa macalinkii 4-aad ee koobkan kula guulaysta wax hal koox ka badan kadib Ernst Happel, Ottmar Hitzfeld iyo Jose Mourinho.

CHELSEA

Chelsea hal mar unbay gurigeeda meel ka baxsan ku badisay sanadkan iyadoo ay horaanba 2-1 guuldarro ah kala kulantay kooxaha Jarmanka kadib markii ay Bayer Leverkusen 2-1 uga adkaatay heerkii wareegyada sanadkii hore.

Kooxda Blues hal mar unbay horay ula ciyaartay kooxda Die Rotten kaasoo ahaa kulan ka tirsanaa wareega 8-aad oo ay gool ku laad 6-5 ah iskaga reebtay xilli-ciyaareedkii 2005 kulan ka dhacay London.

Record-ka kooxaha Premier League ayaan igu soo orod ahayn gaar ahaan marka ay gurigooda kula ciyaarayaan waana sidan: 1 guul, 1 bareejo iyo 4 guuldarro iyadoo halka guul ay ahayd kulan Stutgart ka dhacay 2005-04 oo ka tirsanaa wareega 16-ka kaasoo ahaa kulan ay isla Chelsea gool madi ah oo ay Stutgart lafteedu iska dhalisay kaga badisay garoonkeeda Marceses-Benz Arena.

Chelsea kulanka kale ee ay abid dhamaadka soo istaagtey wuxuu ahaa midkii ay 2008 Moscow kula ciyaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Man Utd kaasoo 1-1 ku idlaaday balse ay gool ku laad koobkii ku qaaday kooxda United.

SAADAASHA LA BIXINAYO..!!

Kalsoonida Bayern Munich ayaa waxaa bir wayn la dhacdey kooxda Brussia Dortmund oo todobaadkii hore 5-2 kula barbariiqatay dhamaadka koobka Jarmanka balse kooxda Bavarian-ku way balaaya badan tahay marka ay baytkeeda joogto waloow aysan Chelsea koox la beegsado ahayna waxaa la leeyahay farqigu waa tillaabada iyo heer kulka aan is dhimin ee kooxda Munich min biloow ilaa dhamaad ay ku ciyaarto.

SAFKA LAGA YAABO INAY KOOXUHU LASOO SHIRTAGAAN CAAWA..!

BAYERN MUNICH

Neuer

Lahm, Tymoshchuk, Boateng, Contento

Schweinsteiger, Kroos

Robben, Muller, Ribery

Gomez

CHELSEA

Cech

Bosingwa, Cahill, David Luiz, Cole

Kalou, Mikel, Essien,Lampard, Mata

Drogba

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
GOOL FM.net

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)