Somali News
    Hees  

Xubno ka tirsan Qurba-joogta Galguduud ee Holland oo kulan yeeshay (SAWIRRO)

Holland Axad 20 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xubno ka tirsan Qurba-joogta Galguduud ee Holland oo kulan yeeshay (SAWIRRO)

Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa shalay lagu qabtay shir ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen qaar ka mid ah aqoonyahanadda, indheergaradka, odayaasha, dhaqalinyaradda & haweenka ka soo jeeda gobolka Galguduud, waxaana shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Himilo oo ah urur ay aasaaseen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay dalka Holland, ay ujeedadiisu aheyd sidii qurba-joogta gobolka ay uga qeybqaadan laheyd dib u soo nooleynta adeegyadda muhiimka ah ee lagama maarmaanka u ah bulshadda ku dhaqan gobolka, gaar ahaan dhinacyadda caafimaadka & waxbarashadda.

Aasaasayaasha ururka Himilo oo kala ah:
Max’ed C/llaahi Axmed Guddoomiye
C/kariim Max’uud (Xoogsade) Lacag haye
C/llaahi Max’uud jimcaale (Timacadde) Xogheyn.

ayaa ugu horreyn kulankaasi ku furay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay ururkooda ilaa & waqtigii la aasaasay oo ku beegneyd 2006-dii, waxaana warbixintoodu ay ku xuseen in iyaga oo kaashanaya tiro aadu yar oo ka mid ah xulka bulshadda Galguduud ee ku dhaqan Holland ay u suurtagashay in ay isku xilsaaraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen duruufaha adag ee ka jira gobolka.

Max’ed C/llaahi oo Guddoomiye ka ah ururka, kana mid ahaa dadkii hadalka furay wuxuu sheegay in markii ugu horreysay ee saddexdooda hindiseen dhismaha ururka in ay ka leexdeen in hadafka ururka loo weeciyo dhanka siyaasadda, oo ay u arkayeen dabeyl hadba dhinac u socota, wuxuuna xusay in ay doorteen in ay ku shaqeeyaan habka gargaarka, ee ku jiheysan in bulshadda gudaha wadanka ku dhaqan lala qeybsado dhibaatadda & xanuunka abaaraha, caafimaad xumidda, isla markaana xoogga la saaro sidii loo dhiiragelin lahaa intii karaankooda ah baahida aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah bini’aadamka oo ah caafimaadka & waxbarashadda.

Max’ed wuxuu sheegay in ay la xiriireen Dr. Mahdi oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel ku yaal, ayna u soo jeediyeen inuu kala taliyo maadaama uu gobolka ka shaqeynayo deegaanada dhibaatooyinka ugu culusi ay ka jiraan si buu yiri aan isugu geyno intii itaalkeena ah sidii aan ugu yaraan aan ugu mintidi laheyn inaan wax u qabano deegaanadaasi, waxaana uu sheegay in tallooyinkii Dr. Mahdi ay qaateen ay ku howlgaleen ayna howlo muhiim ah ka qabteen deegaanadaasi, waxaana shirkaasi lagu soo bandhigay sawiro muujinaya ceelal ay qodeen ururkaasi, iskuul ay dhiseen & taakuleyn kala duwan oo ay ka geysteen gobolka oo ay ugu dambeysay abaartii sanadkii 2011 ku dhifatay iku dhifatay Soomaaliya.

“Wax kasta oo aad haysato qiima ma leh, haddii aysan jirin damiir kugu qasbi kara inaad saacido dadkaaga, ujeeddadeenu waxey tahay siddii aan wax uga qaban laheyn baahida ma guuraanka ah ee haysata dadkeena, mashruucii ugu horreeyey ee aan fulinayna wuxuu ahaa mashruuca Mareerguur” ayuu yiri Max’ed.

Sidoo kale, dadkii shirkaasi ka hadlay oo aad u tiro badnaa, waxaa ka mid ahaa Ugaaska beesha Cayr ee H/gidir Ugaas Xassan Ugaas Max’ed Ugaas Nuur, waxaana khudbadihii ugu muhiimsan ay u dhaceen sidatan:

Ugaaska beesha Ceyr (Khadka taleefanka)

“Dalkii & dadkii ayaa maanta idiin baahan haddaad tihiin qurba-joogta, gobolkan maanta waxaa taabatay abaar, macluul & dhibaatooyin kala duwan oo saameeyey dad & duunyo intaba, isu-imaatinkiina waxaan ILLAAH idinka baryayaa inuu noqdo mid kheyr ku dhammaada, oo aad ummaddiina ku taageertaan”.

Dadka ugu nugul ee dhibaataddu ay ragaadisay waxaa ka mid ah curyaamiinta gobolka, dadkaasi waa in ilgaar ah loo yeeshaa
Isku xirnaanta & iska warqabkuna waxey udub-dhexaad u tahay sidii loo heli lahaa bulsho iska kaashata sidii ay wax walba u wadaagu lahaayeen.

Ugaas Cali

Waxaan ka imid Biljamka, waxaana u imid inaan isku guubaabino ummadu maanta aad & aad ayey inoo soo fiirinayaan, marka xaalada lagu jiro loo fiiriyo waa xaalad runtii aad u liidata.

Deegaan kasta waxaa dhisaya dadkii annaga oo kale ahaa haddii ay caafimaad tahay, haddii dad la gacan qabanayo ay tahay waa dadkii anaga oo kale ahaa, arrintaasi waxey noqotay lagama maarmaan inaan iska xilsaarno, dadka howsha noocaas ah qabanayana waa dad is jecel, isuna kalsoon

Bini’aadamku waxey raadiyaan wax ay isku waafaqi karaan, laakiin Soomaalidu waxay xoogga saaraan wax ay isku khilaafi karaan.

Waxaana ummadda halkan isugu timid kula dardaarmayaa sadaqadu waa in ay gurigaaga ka billaabataa, waa inaan dadkeenii gadaal u eegnaa, oo aynaan waxba ka hagran, wixii aan qaban karana aan annagu marka hore isku tashanaa”.

C /kariin Xoogsade.

Himilo markaan aasaaseynay waxaan tiigsaneynay sidii ummadda gobolkaasi degan loo taageeri lahaa. annaga haddii annaga uu halkan ILLAAHEY nagu nabadgeliyey oo wax yar oo nolol & nabadgelyo ah aan ku haysano, ma waxaan niraah haddiiba annaga aan wax haysano ciddii kale oo gaajooneysa & ciddii jahli ku jirta maxaa iga galay, mise waxaan u damqanaa dadkeena dhibaateysan oo waxaan sameynaa gurmad dar ALLE AH.?”

 C/llaahi Timacadde

Hal ku dhiga aan ku howlgalnay wuxuu ahaa Jeebkaaga mari inta aadan jeeb kale ku tashan, waxaana ilaa xad ku guuleysanay inaan wax xoogaa horumar ah sameyno.

Gobolku ma lahan Jaamacad, inta aysan imaan ma jirin cid istaagtay, dadka gobolka ayaan ugu baaqeynaa sidii loogu baraarugu lahaa in dadka gobolka degan laga dhiso dhinaca aqoonta si ay kheyrkood wax ula qeybsadaan”.

Xuseen Salaad

“In la isku caawiyo wanaaga waa arrin qofkii ka shaqeeya uu helayo ajir, ILLAAHEY wuxuusan raali ka aheyn dadkii isugu yimaada waa fashilmayaan taa ha la ogaado”

“Habka (standard) aad wax ku caawineyso waa muhiim ah inuu noqdo kan diiniga ah, hadduu kaasi khilaafo waa la fashilmayaa, is caawinta diinteenu waa noo ogoshahay. haddii annagu aan haysanno wax nagu filan
“Dhalinyaradii ugu dambeeyey ee shir noocan ah qabtay waxey aheyd 90-meeyadii, haddii waagaas la hirgelin lahaa oo wixii lagu balamay laga mira-dhalin lahaa wax dhab bey ahaan laheyd, laakiin waxaa lagu dhici waayey in la sii joogteeyo wixii lagu balamay, dadka marka ay isku tagaan oo fikirado la isku geeyo ayaa wax ka soo baxaan”.

“Dad kasta oo isku mihnad ah waxey leeyihiin gacan saar, sidoo kale dad kasta oo gobol ka wada yimid waxey ku heshiin karaan in ay iska kaashaadaan sidiiay dadkooda wax ugu qaban lahaayeen”.

“Sheekada hay’adaa na caawinaya, hay’ad kasta danteeda gaarka ah ayey leedahay, waxaa ugu wanaagsan waa in adiga jeebkaaga ay ka soo baxaan, oo ujeeddana adiga aad leedahay, waxaan rajeynayaa ambaqaad wanaagsan inuu noqdo shirkan maanta”.

Cali Xassan Max’ed (Cali Istiila)

Waa arrin lagu farxo in maanta ay halkan ku kulmaan dad intaa tiro la’eg, oo ehel & askun isku ah, wixii aan ku fikir jiray in lagu dhaqaaqo ayaa maanta ii muuqanaya, waana soo jeedinayaa in xoogga la saaro sidii looga mira dhalin lahaa”
“Bini’aadamku waxa ugu wanaagsan ee taageerada in ay ka soo billaabato sidii tallooyin loo siin lahaa xaga waxbarashada”.

C/nuur C/llaahi Iidle

“Aan u istaagno sidii waddankeena wax looga qaban lahaa, Gobolka Galguduud waa dhulka kulul, waxa gubaya waa macdanta ku jirta, dadka yeysan naga dhiman oo ha loo gurmado, waxaana muhiim ah in waxbarashada xoogga la saaro, bini’aadamku waxey xoolaha kaga duwan yihiin waxbarashadda”

Zahro Naaleeye

“Isku xirnaantu waa waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu gaari karo baraaraha & barwaaqadda, dadku ma ahan oo keliya in ay jeebkooda dhaqaalaha ka bixiyaan, haddii ay yihiin ummadd horay u socota waxey heli karaan hay’ado wax la qabto oo ka saacida sidii ay u heli lahaayeen adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin haddii ay tahay ceel la qodayo, ama iskuul la dhisayo”.

“Waxaa laga yaabaa maanta inaan shirno haddana 1 sano kadib aan is aragno, taasina waa in laga gudbaa oo horay loo socdaa”

Holland 20 sano ayaa degannaa, labbaddii kun dad ayaa naga guuray, haddaan guurayo aniga Soomaaliya un baan tegayaa, badda meel macaan ma jirto, dhalinyaradda cusub ee sanadihii u dambeeyey yimid waxaan kula talinayaa in ay waddanka luqadiisa bartaan, kuna dedaalaan sidii ay u shaqeysan lahayaan waxna u baran lahaayeen”.

Gebagabadii kulankaasi ayaa lagu saaray guddi ka soo talo-bixiya sida ugu haboon ee loo sii ambaqaadi karo waxyaabihii la iskula soo qaaday kulanka, waxaana dib loogu balamay in shirarka ceynkaas ah la sii joogteeyo.






Salah Hassan Omer
 s.dheere@hotmail.com

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)