Somali News
    Hees  

Jerry John Rawlings : "Madaxda Dowladda KMG ah waa inay ka shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa xiliga KMG ah.."

Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Jerry John Rawlings : "Madaxda Dowladda KMG ah waa inay ka shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa xiliga KMG ah.."

Wakiilka ururka midawga Africa u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya danjire Jerry John Rawlings ayaa madaxda dawlada KMG ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii looga bixi lahaa xilliga KMG oo loogu gudbi lahaa marxalad wadanku ku yeesho dawlad dhexe.

Wargeyska Ghana News ayaa ku waramaya in Jerry Rawlings oo magaalada Muqdisho kula kulmay R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya C/wali Max’ed Cali uu kala hadlay dar dar galinta hawsha lagu doonayo in lagu dhiso guddiga ansixnaya dastuurka qabyo qoraalka ah kadibna loo gudbo doorasho wadanka kadhacda marka lagaaro bisha August ee sanadkaan.

Danjiruhu waxaa uu tilmaamay in in la qaado tilaabooyin muujinaya in laga guurayo xaaladda ku meel gaarka ah ay mid waajib ah loogana baahan yahay madaxda dawlada inay qaadaan.

"Madaxda dawlada waxaa looga fadhiyaa inay muujiyaan inay diyaar u yihiin sidii looga guuri lahaa ku meel gaarnimada waana in la fahmaa in taasi ay hadda muhiim tahay" ayuu yiri wakiilka gaar ah ee ururka midawga Africa u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Rawlings waxaa uu ugu baaqay wadamada deeqaha bixiya iyo beesha caalamkaba inay la shaqeeyaan dawlada si loo helo waqti ku filan fulinta qorshaha Roadmap, ka loogu magac daray waxaana uu dhanka kale madaxda dawlada u jeediyay inay xaliyaan is af garan waa kasta oo soo kala dhex gala odoyaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka Muqdisho ka socda.

Q,M iyo midawga Yurub dhawaan waxay ka dhawaajiyeen inay kabiyo diidsan yihiin in dawlada KMG waqti kororsi samaysato oo marka la gaaro bisha August ee sanadkaan.

Saxiixayaasha Roadmap, ka oo ay ugu horeeyaan madaxda dawlada KMG iyo madaxda m/mulka goboleedyada Soomaaliyeed qaarkood ayaa maanta lagu wadaa inay ku shiraan magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo ku saabsan waxyaabaha ka qabsoomay howshii loo diray iyo waxyaabaha aan ka qabsoomin sida wararku sheegayaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)