|
Saxiiixayaasha heshiiskii Road-Mapka oo goordhow shir uga furmay magaalada Adis Ababa
Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Saxiiixayaasha heshiiskii Road-Mapka oo goordhow shir uga furmay magaalada Adis Ababa
Saxiixayaasha Roadmapka ayaa goor dhow shir uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyadoo kulankaasi ay ka qeyb gelayaan Xubno ka socda Beesha Caalamka.
Shirkan ayaa waxaa uu soconaya muddo labo cisho ah, iyadoo madaxda ka qeyb galaya ay ka mid yihiin saxiixayaashii Road Map-ka.
Shirka ayaa la sheegay in looga hadlaayo waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii Roadnapka, waxaana kulanka xaadir ku ah lixda hogaamiye ee saxiixay heshiiskaa.
Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhameeyo mad madow soo kala dhex galay xubnaha saxiixayaasha, kaasoo ku wajahan arrinta Dastuurka oo Puntland ay qodobo dhowr ah ay ka hortimid.
Inta uu socda shirka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aano la xiriir arrimaha la isku mad madowga ku jiro ee dastuurka in wax laga saxo, ama lagu daro.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya, Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna, oo horay u ahaa saxiixayaasha Road Map-ka ee shirarkii Garoowe iyo Galkacyo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|