Somali News
    Hees  

Dr. Cali Cusmaan oo la kulmay tababarayaal ciyaaraha fudud oo heer caalami ah

Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dr. Cali Cusmaan oo la kulmay tababarayaal ciyaaraha fudud oo heer caalami ah

Sanad kasto waqtigaan oo kale waxa la qabtaa Xafladaha Qalin Jabinta ee goobaha Waxbarashadda ee Dalka Mareykanka sida Dugsiyadda Hoose,Dhexe,Sare iyo Jaamacadaha,xafladahaasi waxa ka soo qeyb gala dhamaan Waalidiinta iyo Jaaliyadaha kala duwan ee ka jra Goboladda uu ka koobanyahay Dalkaan Mareykanka.

Waxa goobaha ay qalin jabinta ka dhaceysay ka mid ahaa AGNESS SCOTT COLLEGE oo ku taala Magaaladda Atlanta kana Mid ah meelaha ay ka dhaceysay Xafladaha qalin jabinta ah,waxaana Magaca Jaaliyadda Soomaliyeed ee Atlanta uga qeyb galay Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo hore xiriir saaxiibtinimo ula lahaa Jamacaadasi,waxaana halkii kula kulmay Mudane Cali Maamulka AGNESS SCOTT COLLEGE iyo qaar ka mid ah ardayda ka qalin jabineysay Jaamacadaasi,waxaana uu uga sheekeeyey Muhimadda ay ku fadhido aqoonta taa oo ah awood aan cid kaa qaadi karta aysan jirin.

Dr.Cali Cusmaan Cali Xoghayahii Guddiga Olympigadda Soomaaliyeed oo goobtaas kula kulmay Mr.Sulli oo hore uga mid ahaa Xulka Qaranka Ciyaaraha Fudud ee Dalka Nayjeeriya haddana ah Tababare Ciyaaraha Fudufd ee Jaamacad ku taala Gobolka Missisipi iyo Ronald Davis oo ah Tababare Jaamacad ku Taalo San Jose ee Gobolka Califoornia,halkaana waxa la isku dhaafsaday in laga wada hadlo Muhimadda ay Afrika ugu fadhido Ciyaaraha Fudud iyo guulihii ay ka gaareen Tartamadda Ciyaaraha Fudud laga bilaabo Tartankii IOlympigadda ee 1960kii oo lagu qabtay Dalka Talyaaniga,halkaa oo uu Orodka dheer ee MARATOONKA uu kaalinta Koowaad galay ABEBA BAKILA oo ka socday Dalka Ethiopia halkaana ugu soo hoyiyey sharaf aan la qiyaasi karin Dawladaha Afrikaanka oo maanta kaga jira safka hore Tartamadda Ciyaaraha Fudud ee addunka.

Dr. Cali Cusmaan Cali ayaa tababarayaashii uu la kulmay uga sheekeeyey taarikhda fog uu ka soo maray ka qeyb galka Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed,waxaana uu warbixin ku siiyey in uu goob joog ka ahaa guulo badan oo Isboortigeenu gaaray sida Kubadda Cagta,Koleyga,Ciyaaraha Fudud iyo Table Tenniska taa oo maanta aan kaga helay qadarin shacabka Soomaaliyeed kaalintoo wax ku oolka aheyd oo aan ka soo qaatay horumarinta Isboortiga 40kii sano ee ugu dambeysay,waxaana uu uu sheegaya Tababarayaasha uu la kulmay in aanu leenahay Ciyaartoy qiimo ugu fadhiya Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahweynta Isboortiga kuwa oo aan maanta ka soo qaadan karo Halyeeyadii Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya kaalinta ka soo qaatay soona hooyiyay Bilado kala duwan,waxaana ka mid ahaa:

1)Marxuum Cabdule Nuur Waasughe oo kaalinta koowaad ku guuleystay tartankii ALL_AFRICAN games oo lagu qabtay Nayjeeriya(Bootinta sare)
2)Sanadku markuu ahaa 1977 Waxa isna Kaalinta Koowaad bootina sare galay Cali Dheere tartankii Ciyaaraha Fudud ee lagu qabtay.

Soomalia(Mogadishu).waxa isna isla sanadkaasi 1977 kaalinta sedexaad galay Abulqaadir Abikar (waraabe) tartanka orodka dheer ee Maraatoonka.
3)Sanadka markuu ahaa 1979 tartankii Dugsiyadda Carabta oo lagu qabtay Muqdishu kaalinta Kowaad ku guuleystay HJaamac Karaacii orodka 400m,waxaana uu Jaamac kaalinta sedexaad ka galay orodka 800mt,waxaana sidoo kale kaalinta Labaad galay orodka 800mt Mr.Cabdi Guuleed.

4)Sanadku markuu ahaa 1985 Tartankii Jaamacadda carabta ee lagu qabtay Dalka Marooko,waxaan ku guuleysanay 100mt Kaalinta Koowaad oo uu galay Cali Bay,waxa kaloo kaalinta Labaad ee 800mt ku guuleystay Ciyaaryahan Cukaash,Cabdi Bile Cabi waxa uu galay kaalinta labaad ee 1500Mt,waxaana wax ka yar hal ilbiriqsi kaga guuleystay Saciid Cuweeta.

5)Tartankii Ciyaaraha fudud ee lagu qabtay dalka Talyaaniga waxa kaalinta koowaad galay halyey Cabdi Bile Cabdi tartankii 1500mt,taa oo ay Ummadda Soomaaliyeed sharaf ay ku heshay,abaalna ay uga hayso Halyey Cabdi Bile iyo Xoghayahii Wafdigaa Hogaaminaayey Mudane Cumar Jaamac(Cumar Dhagaweyne).

Waxaana halkii aad iyo aad ugu riyaaqay tababarayaashii uu la kulmay Dr. Cali Cusmaan Cali,waxayna uga mahadceliyeen Taarikhda uu u soo bandhigay taa oo runtii aheyd mid loo kashuucay,waxaana xafladii ku soo dhamaatay GUUL.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)