|
Kooxda Alshabaab oo Xalay Dhowr Madfac ku tuurtay saldhig ay
daganyihiin Ciidamada Huwanta ku leeyihiin Jubooyinka
Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxda Alshabaab oo Xalay Dhowr Madfac ku tuurtay saldhig ay
daganyihiin Ciidamada Huwanta ku leeyihiin Jubooyinka
Wararka aynu ka heleyno deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose
ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar madaafiic
ah xalay saqdii dhexe ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda iyo
kuwa Kenya ku lahaayeen deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.
Malayshaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ka badan 11 madfac ay xalay
ku weerareen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen deegaanka
Qooqaani, waxaana ilaa inmika aan la ogey qasaaraha ka dhashay
weerarada ay Shabaabku sheegteen.
Saraakiisha dowladda ee gobolka Jubada Hoose oo aan la xiriirnay
ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay xoogagga Al-shabaab ku soo
qaadeen deegaanka Qooqaani, iyagoona sheegay in aysan jirin wax
khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray weerarkii xalay.
Gaashaanle Max’ed Caraboow oo kamid ah saraakiisha dowladda ayaa
shabakada Somaliweyn.com u sheegay in ku dhowaad ilaa 11 xabo oo
madaafiic iyo hoobiyeyaal isugu jirto ay Malayshaadka Al-shabaab xalay
ku soo tureen deegaanka Qooqaani, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid
wax ku noqotay weerarkaasi.
Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan
duqeyntii xalay oo kazoo baxay, waxay arintani qeyb ka tahay weerarro
ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo kooxda Al-shabaab ay mudooyinkii u
danbeeyay ka geysanayeen goobaha loga itaal roonaaday isla markaana ay
ku suganyihiin ciidamada huwanta ah ee gobolka Jubada Hoose.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|