|
Gaari ay wateen Ciidamada Milateriga Kenya oo Qarax miino lagula
beegsaday Magaalada Mandheere ee Kenya
Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Gaari ay wateen Ciidamada Milateriga Kenya oo Qarax miino lagula
beegsaday Magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya
Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay askarta Kenya ka
tirsan yihiin ayaa ku dhaawacmay qarax maanta lagula eegtay gaari ay
wateen ciidamada Kenya xaafadda Buulo-jineefa ee magaalada Mandheera.
Qaraxan oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa wuxuu haleelay
gaarigii ay wateen ciidamada Kenya, waxaana labada askari ee
dhaawacmay ay ka mid ahaayeen askar saarnaa gaariga la qarxiyay.
Sidoo kale, qaraxa waxaa ku dhaawacmay nin rayid ah oo ay ciidamadu
gacanta ku hayaan kaasoo ay sheegeen inuu yahay kii qaraxa gaariga la
beegsaday, kaasoo ay baaritanno ku hayaan.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Mandheera ayaa sheegay in ciidammo
fara badan oo Kenyan ah ay soo buuxiyeen xaafadda uu qaraxu ka dhacay,
kuwaasoo billaabay inay dadka qabqabtaan qaarkoodna jir-dil u
geystaan.
"Qarax weyn ayaa mar qura la maqlay, waxaan arkay gaari ay ciidamadu
leeyihiin oo qiiq uu ka baxayo, dadka oo dhan way kala yaaceen,
ciidammo Kenyan ayaa soo gaaray goobta waxayna qabqabteen dad badan
kuwaasoo qaarkood ay jir-dileen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada
Mandheera oo saxaafadda la hadlay.
Saraakiisha Kenya ayaa qaraxan ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab oo
dagaal kula jirta ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya,
waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa iyadoo toddobaadkii hore uu qarax
ay ku dhinteen Askar Kenyan ah uu ka dhacay xeryaha qoxootiga Dhadhaab
ee dalka Kenya.
Tan iyo markii ay dowladda Kenya ciidamadeeda u soo dirtay
Soomaaliya sannadkii hore waxaa gudaha dalkaas ka dhacayay qaraxyo ay
khasaare kasoo gaartay ciidamada iyo dadka shacabka ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|