Burcadbadeeda Haysata Suxufi u dhashay Maraykanka ayaa ku hanjabtay in
hadi aan madax furasho lasiin ay u gacan galinayaan Kooxda Alshabaab
Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype)
Burcadbadeeda Haysata Suxufi u dhashay Maraykanka ayaa ku hanjabtay in
hadi aan madax furasho lasiin ay u gacan galinayaan Kooxda Alshabaab
Michael Scott Moore oo ah muwaadin haysta dhalashada wadamada Jarmalka
iyo Maraykanka oo mudo 5 bilood ka badan ku jiray Gacanta kooxo
burcadbadeed somaliyeed ayaa ka codsaday dowlada Maraykanka in sida
ugu dhaqsaha badan ay u bixiso lacag madax furasho ah oo gaareysa $20M.
Michael ayaa laga soo afduubtay magaalada Gaalkacyo 06 bishii Jan.xili
uu sheegay sababa uu dalka u yimid in ay aheed qof u dhashay gobalada
dhexe oo ay isku arkeen wadanka Jarmalka ka dibna ku casuusmay
Galmudug sidii uu ku ogaan lahaa waxna ugu qori lahaa xaaladaha
nolosha dadka Somaliyeed iyo Qaabka ay u shaqeeyaan Kooxaha
Burcadbadeeda guud ahaan iyo mashaaricda hormarinta ee dalka ka
socda iyo sidoo kale mashruuc quudin ah oo hay,ada WPF ka wado
magaalada Hobyo somaliya xiligan waxaa ku jira gacanta burcadbadeeda
ilaa 300 oo muwaadiniin ajaanib ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu ka codsanayo in dowlada Jarmalka mudo saddex maalin gudahood ay ku bixiso lacagta madax furashada iyado
dhameystiranhadii kalana ay ugu hanjabeen kooxda haysata in ay u
gacan galinayaan Malayshiyada Alshabaab waxaana uu raali galin ka
bixiyay howlgalkii ay ciidamada Maraykanka ku soo furteen muwaadiniin
u dhalatay isla markaana ay ku dileen meel u dhow degmada Cadaado ilaa
9 burcadbadeedii haysatay dadka.
Maraykanka.waxaana uu ka dayriyay noloshiisa sida ay xiligan tahay
isagoo tilmaamay in labadii maalin hal mar la siiyo bariis lagu
kariyay biyo oo kaliya taas oo uu Michael sheegay in uu tabar daro xun
ka qaaday.
Moore wuxuu ku noolaa magaalada Berlin halkaas oo uu ka shaqeynaayay
shirkad warbaahin oo lagu magacaabo Der Spiegel waxaana u ahaa nin si
aad ah ugu caan baxay dhinaca wax qorida.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com