Somali News
    Hees  

Magaalada Baydhabo oo gudaheeda xalay lagu dilay mid ka mid ah malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle ugu caansan

Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Magaalada Baydhabo oo gudaheeda xalay lagu dilay mid ka mid ah malaaqyada Beelaha Digil iyo Mirifle ugu caansan.

Waxaa xalay gudaha Magaalada Baydhabo xalay lagu dilay mid ka mid ah malaaqyada ugu caansan Beelaha Digil iyo Mirifle, iyadoo malaaqaas la dilay uu ahaa mid si weyn looga yaqaan deegaanada ay Beelaha digil iyo Mirifle degaan.

Malaaqa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Malaaq Cabdow Yoonis, iyadoo la sheegay xiliga falka dilka ah loo geysanayay Malaaqa uu marayay isgooska boqoleeyda xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo, iyadoo uu ku sii jeeday xaafadiisa uu ka dagan yahay Magaalada Baydhabo.

Nin hubaysan rasaas la beegsaday Malaaqa, waxaana la sheegay inuu baxsaday gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka Malaqa, waxaana dilka Malaaqa cadeeyay Maxamed Cali Catoosh wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in uu jiro dilkaasi islamarkaana nin baskoolad ku hubaysan uu toogtay Malaaq Cabdow Yoonis oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Baydhabo, islamarkaana uu baxsaday ninkii dilka gaystay.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka ayaa beeniyay in Magaalada Baydhabo ay ka jirto xaalad ammaan xumo, wuxuuna cadeeyay in Magaalada Baydhabo ammaankeeda uu yahay mid la isku halayn karo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)