|
Hay’adda Rahmah Relief Foundation London UK oo bilowday inay Soomaalida UK kala dagaalanto isticmaalka maan dooriyaha Jaadka
Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Hay’adda Rahmah Relief Foundation London UK oo bilowday inay Soomaalida UK kala dagaalanto isticmaalka maan dooriyaha Jaadka
Sida aan dhibaatada Sunta cagaaran ku heyso Soomaalida joogta dalka iyo Qurbaha “Jaadka waa dhibaato raaxo la moodo!!” war heyno Jaadka dhibaatooyin badan ayuu ku hayaa dadka Soomaaliyeed, wuxuu door xun ka cayaaraa dagaalada oo si aad ah u huriyaa, falalka dhaca, sicir bararka maciishada raashinka quutul daruuriga ah iyo waxyaabo kale oo dhammaantood dib u dhac iyo xumaan miiran leh, waana dhir u baxda sida geedaha gaagaaban, mana ahan qudaar.
Waxaan aniga u aqaan “Sunta Cagaaran”, waayo haddii si qoto dheer loo baaro Jaadka inta uu jiray Culimada dhirta wax ka qoray waxay sheegeen inuu yahay Maandooriye wakhti badan jiray oo wax faa’iido ah haba yaraatee aan u lahayn bulshada iyo qofkii isticmaala. Haddaba dhibaato ayuu ku yahay Soomaalida dalka gudihiisa iyo dibadiisa joogta.
Geedka cagaaran ee dib u dhaca ku keenay inta badan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada dalka gudihiisa oo Jaadka loo siiyo si aanay u caajisin amaba u cabsan isla markaana u sii wadaan dagaalada iyo hurinta colaadaha, kuwaasi oo sida cirbadda oo kale loogu dhufto Jaadka ileyn marka ay mirqaamaan way dangagayaan.
Calaamadaha lagu yaqaan qofka Jaadka cuna waxaa ka mid ah inuu ka qaado hurdada, wuxuu ka gooyaa dhallinyarada galmada naagta, geedka cagaaran oo la calaliyo qofka cuna wuxuu ka reebaa raashinka, in qofku ka haro waxbarashadiisa ama shaqadiisa, taasi oo keenta in aakhirka uu ka haro wixii horumar ahaa ee uu ku haminayay.
Jaadka dadka cuna waxay yiraahdaan “Waa camire beenlow ah” kuwo kalena waxay leeyihiin “Waa quud Owliyo”, Subxaanallaah waxaa hadaladaasi aad u fidiyay Sheydhaan, hase yeeshee Jaadka waxaa aad iyo aad u cuna dadka isku buuqsan oo xanuun dhinaca maskaxda ah la liito ama bukaan socod ah oo xagga miirka wax ka qabo.
Dhibaatooyinka Jaadka uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed waxaa kale oo ka mid ah isagoo kobciya qabiilka iyo xumaanta, wuxuu dumiyaa qoyska oo reerka wada jooga kala raraa, haddii ay caruur isu dhaleenna saameyn xoog leh ku reebaya barbaarintooda.
Waxaan ognahay in jaadka Free ka yahay dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Airoporadooda looga soo dejiyo si xor ah, iyadoo sidaasi tahay hadana dowladaha deriska ah weli uma aqoonsana Jaadka inuu yahay maandooriye waana guul darreysteen dadaallo fara badan oo madaxda dowladaha deriska ah looga dhaadhicinayay arrintaasi.
Jaadka sidoo kale wuxuu dhibaato weyn ku hayaa Qurba joogta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku nool wadanka Ingiriiska isla markaana kala kaxeeyay qoysas fara badan oo Soomaalida Ingiriiska degan ah, waxaana dhallinyaro fara badan ay la il daran yihiin xanuuno ka dhashay cunista Jaadka.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool waxaa loogu sheekeeyaa “Geedkan cunistiisa waa dhaqankeena, awoowayaasheen ayaan ka soo gaarnay waana wax fiican oo xalaal ah,waxaana lagu alifaa heesaha iyo gabayada”, dhallintaas run ayay moodaan hadalada beenta ah ee loogu qalqaalinayo inay daa’imaan cunista Jaadka iyagoo aan waliba si fiican u aqoonin af Soomaaliga uguna hadli karin.
Waxay tagaan dhallinyarada qurba joogta goobaha laga soo iibsado sunta cagaaran wuxuu door biday nolol tii ugu xumeyd, waxaana runtii qof kasta oo Soomaaliyeed kana damqanaya dhibaatada uu dhallinyarada ku hayo isticmaalka sunta cagaaran iyo anigaba nala gudboon inaan iska kaashano sidii aan uga hortegi lahayn Qaadka, bacdamaa uu baabi’iyay dhallinyaradeena ha joogeen dalka gudihiisa ama dibadiisa.
Ugu dambeyntii caruurteena waxbarashada way ku saaqideen, wuxuu saameyn ku yeeshay qoysas fara badan, nolol xumo iyo qasaaro ayaa u sugnaatay kuwa qaadka raaxo mooday, waxaana shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay aduunka ka joogaan ugu baaqayaa inay sameeyaan barnaamijyo lagu cirib tirayo cunista sunta cagaaran, gaar ahaan in laga wacyi geliyo dhallinyarada oo cadowga koowaad ku ah Jaadka.




Waxaa Qoray: Cali Maxamed Jimcaale (Cali Ooyaaye)
Guddoomiyaha Hay’adda Rahmah Relief Foundation
London UK,
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|