|
Wasiirro Shariciga Jebiyey, Dastuurka Baalmaray, Awoodda Afraad ee Dawladnimana Tunka Kaga Fadhiya Maxa u Xeera?
Hargeysa Isniin 21 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Wasiirro Shariciga Jebiyey, Dastuurka Baalmaray, Awoodda Afraad ee Dawladnimana Tunka Kaga Fadhiya Maxa u Xeera?
Warbaahinta oo adduunka loo yaqaan inay tahay suldada amma awoodda afraad ee waddan yeesho, isla markaana dalalka dimuqraadiyga sheegta lagu qiimeeyo inay oodda ka qaadaan xorriyatul-qawlka, ayaa Somaliland oo ku faanta markay fagaarayaasha caalamka joogaan inay dimuqraadiyaddu biyo-dhigtay, waxay jebisay faankii u yaalay dunida.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo hiilinta ugu weyn ka heshay saxaafadda, ayaa noqotay dawladdii intay Somaliland jirtay ugu xidhigga iyo tacadiyada badnayd dhinaca saxaafadda, waxaana suxufiyiinta dhibtooyinkaas la kulmay tiradoodu kor u dhaafaysaa kontomeeye.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo awooddeeda ugu badan saarta siday cududeeda u tusi lahayd shacabka iyo saxaafadda, ayaan haba yaraatee awood badan ku lahayn marka la joogo fagaarayaasha cadowga.
Xukuumadda uu soo dhisay KULMIYE ayaa awooddeeda dhuulo-tus ee xagga saxaafadda iyo shacabka kaga bilawday xidhis, garaacis iyo inay cagta mariso shacabka danyarta ah iyagoon wax qorshe ah loo samayn, looguna marmarsoonaayo in hantidoodu soo gashay dhul dan-guud oo u baahnayd in qorshe loo sameeyo si aan xuquuqda muwaadiniinta loogu tacadiyin, dhib iyo fawdana u dhalan sida dhacday.
Anigoon xadhigga iyo tacadiyada saxaafadda lagula kaco gudaha u sii galayn, waxaan u soo noqonayaa tallaabadii u dambaysay ee xukuumaddu tacadi ugu gaysato suxufi shaqadiisa gudanaaya oo muddo maalmo ah sifo sharci-darro xabsiga ugu jira.
Tafaftiraha wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad ayaa maalintii lixaad si sharci-darro ah ugu xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kaas oo sida ururka suxufiyiinta SOLJA xaqiijiyeen u xidhan Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.Maxamed Nuur Carraale Duur.
Weriye Curad iyo Khadar Maxamed Xuseen oo ku wehelinaayey xadhigga, laakiin afar maalmood kadib isaga la sii daayey, waxa labadoodaba xabsiga la dhigay 15 May, iyagoo hawlmaalmeedkooda shaqo ku guda jira oo war-doon u tageen goobtii shaqaaqada kooxda dambalayda ahi ku weerartay xero ciidanka qaranku ku leeyihiin bariga magaalada Hargeysa, halkaas oo waqtigaas ay ku sugnaayeen Wasiirrada Madaxtooyada iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo loo aanaynayo masuuliyadda amarka wariyayaasha lagu xidhay.
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadinta damaanad qaadaya ayaa xaqiijinaaya in qofka uu xaq u leeyahay in maxkamad la horkeeno muddo 48 saacadood ah, xaqna uu u leeyahay inay booqdaan qareenadiisa, eheladiisa iyo cid kasta oo uu codsadaba, sidoo kalena waxa uu dastuurka ka hor imanayaa in la cabudhiyo xorriyatul-qawlka.
Qaybta 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka waranta xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan qodobka 27aad farqadiisa 1 iyo 2aad waxay tilmaamayaan;
1.Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay inuu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2. Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
Sidoo kale isla qaybtaas qodobka 32aad oo ka hadla xorriyadda bannaan-baxa, Ra’yi-dhiibashada, saxaafadda iyo warbaahinta kale, gaar ahaan farqadiisa 3aad waxay odhanaysaa; “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo; hawshoodana xeer baa nidaaminaya.”
Xeerka saxaafadda Somaliland oo in badan xukuumadda iyo barlamaankuma isu abaabuleen siday meesha uga saari lahaayeen, una samaysan lahaayeen miday ku cabudhiyaan, waxa uu jidaynayaa qodobkiisa 3aad madax-bannaanida saxaafadda in dastuurku aqoonsaday, cabudhinteeduna aanay bannaanayn.
Isla xeerkaas oo la yidhaa Xeer No. 27/2004, qodobkiisa 8aad oo ka hadla awoodda helitaanka iyo fidinta wararka, farqadiisa 1aad waxa uu sheegayaa inaan suxufiga loo xidhi karin hawlgal saxaafadeed, iyadoon xalaalayn maxkamad awood u leh.
Dhammaan xeerarka dalka u yaala, iyagoo sidaa tilmaamaya, ayaa wariyayaashan waxa lagula kacay cabudhin iyo xaq-darro, haddana masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan xubno ka mid ah wasiirradiisa ayaa inta badan mus-danbeed u ah xad-gudubyada tirada beelay ee ka dhanka ah suxufiyiinta Somaliland.
Haddaba, sida muuqata xadhigga Tafaftiraha wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad oo ay door muuqda ku leeyihiin Wasiir Duur iyo Xirsi ma iyaga maxkamaddii awoodda u lahayd noqday oo xidhay, kana aargudanaya wariyayaasha hawlmaalmeedkooda ku jira?
Guntii iyo gebagebadii su’aasha meesha taal waxay tahay Wasiirro sharci jebin, dastuur baal marid iyo awoodda afraad ee dawladeed tunka kaga fadhiya maxa u xeer ah?

Weriye: Ibraahim Khadar Siciid, Jamhuuriya
jamaal ibrahim
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|