Somali News
    Hees  

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Mogadishu Isniin 21 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Shariif oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Shariif Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dawladda KMG Soomaaliya ayaa magaalada Jabouti kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti.

Mas'uuliyiinta ayaa kulankooda waxa ay diiradda ku saareen sidii loo xoojin lahaa hawlaha ay Jabuuti ka wado wadanka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Dawladda Jabuuti hawlaha wanaagsan ee ay ka waddo gudaha wadanka Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa ku ammaanay dhiggiisa Jabuuti in uu daacad ka yahay sidii loo soo celin lahaa nabadda Soomaaliya isla markaana looga bixi lahaa dhibaatada lagu soo jiray 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Ismaaciill Cumar Geelle madaxweynaha Dawladda Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalka ay ka wadaan wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa Jabuuti uga sii gudbay magaalada Adis Ababa oo uu maanta ka furmaayo kulanka saxiixayaasha Raod-Mapka kaasi oo lagu xallinaayo mad madow soo kala dhexgalay.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)