Somali News
    Hees  

Hogaanka Al-Shabaab oo u hambalyay kooxihii ka dambeeyay qaraxii 96 qof lagu laayey ee shallay ka dhacay magaaladda Sanca ee dalka Yemen.

Mogadishu Talaado 22 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Hogaanka Al-Shabaab oo u hambalyay kooxihii ka dambeeyay qaraxii 96 qof lagu laayey ee shallay ka dhacay magaaladda Sanca ee dalka Yemen.

War lagu bogga ay aaladda Twetter,ka ku leedahay Xarakadda Al-Shabab ayaa waxaa tilaabo wanaagsan lagu tilmaamay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shallay ka dhacay magaaladda Sanca ee xarunta wadanka Yemen.

Al-Shabab warkooda waxay ku sheegeen intilaabadii is qarxinta aheyd ee ay geysteen Al-Qacidada Jaziiradda Carabta ay aheyd mid wanaagsan oo lagu farxo laguna baabi’iyay cadawga Alle sida warka loo dhigay.

“Alle ayaan uga mahadnaqeynaa guusha ay gaarteen walaaleehna AQAP oo waxaan Alle ayaa idiin waafajiyay inaadlaysaan Kufaatra iyo Murdiinta” ayaa lagu yiri warka lagu qoray bogga Twetter,ka Al-Shabab.

Al-Shabab waxay sidoo kale tilmaameeen in weerarkaasi ka dhacay magaalada Sanca ee lala eegtay ciidamada dawlada Yemen uu ahaa mid barakaysan oo dhabar jab ku ah dawlada Yemen sida loo yiri warka waxaana ay ku booriyeen Al-Qacidada ka dagaalanta wadanka Yemen inay sii wadaan howlgalada noocaas oo kale ah
Inta la ogyahay 96 ruux ayaa ku geeriyootay kudhawaad 200 kalena waa ay ku dhaawacantay qaraxii is miidaaminta ahaa ee ka dhacaygoob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Yemen oo magaalada Sanca ku taala.

Al-Qacidada Yemen ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in qaraxii shalay ay uga aar gudaysay weerarada diyaaradaha reer galbeedka iyo kywa Yemen u geysteen taageerayaashooda dalkaasi ku sugan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)