|
Qoraa Isboorti oo ka Cabanaya in Maqaaladiisa Isboortiga iyo Sawiradaba ay jabsadaan www.Kubada.net Maalin kasta...
Mogadishu Talaado 22 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qoraa Isboorti oo ka Cabanaya in Maqaaladiisa Isboortiga iyo Sawiradaba ay jabsadaan www.Kubada.net Maalin kasta...
Anigoo ah Axmed Maxamed Cabdulle'uurdoox'' ahna tafaftiraha Shabakada Isboortiga Banooni.com waxaana qaati ka Taaganahay Oo Jabsada Qoraaladayda Isboortiga iyo Sawirka la socda Maalin kasta Shabakada Kubada.net oo Marka ay kala soo Baxaan shabakada Banooni.com Maqaalkii iyo Sawirkii oo wada socda ay Ka reebeen Magaceyga oo Markii Hore ku Qornaa ku qornaa www. Banooni.com Taasoo ah Gef Saxaafadeed oo aad u Fool xun oo Mudooyinkaan ay Caadeysteen Kubada.net.
Aqristayaal aad u fara badan ayaa ila soo xiriiray oo 2 Maqaal ee isboortiga ku wada arkay 2 Wabseyt ee kala ah www.Banooni.com iyoWww.Kubada.net waxaana ay ii sheegeen aniguna aan arkay in badan in Maqaalkeyga oo midna magaceygu la socdo midna laga bixiyay ay ku kala qoran yihiin 2 Wabseyt.Banooni.com oo aan ka Tirsanahay iyo Kubada.net oo sameynayaa Ficilkaasi Saxaafada ka dhanka ah.
Waxaan Halkaan ka cadeynayaa anigu inaan ka mid ahay Howlwadeenada shabakada www. Banooni.com isla markaana shabakada Kubada.net ay Caadeysatay inay ka jabsato qoraaladeyda isboortiga Bogga Banooni.com,hadaba waxaa nasiib daro ah in shalay oo ugu Dambeysay ay igula kaceen falkaasi bareerka ah oo kuna ah Magac xumo Saxaafada Maadama qof inta qoraalkiisa oo sidiisa ah inta la jabsado hadana Magaciisa laga joojinayo.
Waa kala hadlay Kubada.net waxyaabaha saxaafada ka baxsan oo ay igulla kaceen waxanaa kala xiririay Iimeylkaan- info@kubada.netFiiclada ka dhanka ah Qoraaladeyda oo ay igula kacayaan waxna kama qaban oo waa ka sii dareen waxaana ii muuqata in Xiisihii aqristayaashu u qabeen inay la socdaan shabakadaha Isboortiga wax ka qora ee soomaaliyeed inay bah dilid ku Sameynayaan Kubada.net Maamulka shabakadaasina wax uu ka qabtay ma jirto cabashooyinka aan gaarsiiyay marka waxaan go an saday in cabashadeyda aan u soo Bandhgo Akhristayaasha sharafta leh ee ku Taxan qoraalada Isboortiga ee lagu daabaco shabakadaha isboortiga ee soomaaliyeed.
waxaan talo ahaan ugu soo jeedinayaa Wabseytka Kubada.net ee aan ka cabanayo inay Fagaaraha ay ku Taxan yihiin Akhristayaasha ay la Yimaadan qoraalo xiiso galiya Akhrisqaha Isboortiga Balse ay la dhuuman Maqaala ay ka jabsadeen Wabseyt kale oo wax ka qora Ciyaaraha hadii kale aysan isku howlin Xirfadaan maadama aysan wadi karin.waa kan qoraalki ugu dambeeyay ee ay ka Jabsadeen Banooni.com Magaceyguna Ku qornaa
http://kubada.net/gus-hiddink-oo-doonaya-inuu-ka-garab-ciyaaro-samuel-etoo/
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|