Somali News
    Hees  

Al-Shabaab oo digniin u jeedisay ganacsatada qandaraas ka qaadata hay'adda WFP

Mogadishu Talaado 22 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Al-Shabaab oo digniin u jeedisay ganacsatada qandaraas ka qaadata hay'adda WFP

Bayaan ka soo baxay Xafiiska la socodka arrimaha Hey’adaha Ajnabiga ee Ashabaab oo magaciisa loo soo gaabiyo OSAFA ayaa lagu mamnuucey qandaraas ka qaadashada WFP ee cuntada aduunku ugu qaabilsan Hay'ada Qaramada Midoobe.

Bayaanka ayaa lagu sheegay n go’aano laga soo saaray dhibaato muddooyinki u danbeeyay ka taagneyd qaar ka mid ah Wilaayaadka dalka Somaliya taasoo salka ku haysa hay'ada WFP oo raashin aan fiicneyn raqiisna ah soo gelineysa suuqyada si loo beec jabiyo raashinka nadiifka ah ee beeraha Soomaaliya ka soo go'aya .

OSAFA ayaa sheegtay in ay gabi ahaanba mamnuuc tahay qandaraas ka qaadashada hey’addaasi ayna tallaabo ka qaadi doonaan qofkii la ogaado isagoo ganacsatada kale ee Umadda ku dhibaateynaya mashruuca WFP.

Bayaankaani waxaa si aad loogu soo qaaday in bakhaarada WFP raashinkii isaga jirey hada la doonayo in lagu beec dilo dalaga beeraha Soomaaliya miraha ka soo baxa kaasoo lacagta uu ku fadhiyo lacag ka yar la siisanayo kan wfp xageeda laga keenayo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)