Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab oo Guulo ka kala sheegtay dagaalka duleedka Muqdisho ka soconaaya

Mogadishu Talaado 22 May 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab oo Guulo ka kala sheegtay dagaalka duleedka Muqdisho ka soconaaya.

Wararka ka soo baxeysa dagaaladii saakay ka dhacay Dayniile ilaa iyo howdka isku xira dayniile iyo deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda KMG ah dagaalkaasi horumar ka sameeyeen.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegayaa inay la wareegeen inta badan degmada Dayniile sida garoonka diyaaradaha ilaa howdka u dhexeeya Garasbaaleey iyo Dayniile waxaana ay ku dhawaadeen sida wararku sheegayaan laamiga Garasbaaleey iyo Tareedishe hor mara halkaasoo Shabaabku ku sugan yihiin.

Koox Suxufiyiin ah oo booqday halka dagaaladu ka socdaan ayaa xaqiijiyay inay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM inay ku dhawaadeen Garasbaaley, Tareedishe iyo Wada tagta Siinka dheer ee Afgooye.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Al-Shabaab laga qabsaday Garasbaaleey iyo Tareedishe, iyadoo C/laahi Cali caanood oo ah taliyaha ciidamada Gaaska 1aaad ee Milateriga dowlada KMG ah Soomaaliya uu wariyayaasha kula hadlay aagagga dagaalka ayaa sheegay inay qabsadeen Garasbaaleey iyo Tareedishe.

Shirka jaraa'id oo taliyuhu ku qabtay duleedka Deyniile ayaa intii uu socdey dagaalka waxaa dhaawac uu soo gaarey wariye Kaamiraman ahaa kaasoo lagu magacaabo Muuse Abeyle lana dhashay Dr. Xabeeb.

Dhanka kale Dagaalada Saakay ayaa waxaa ka qeybgalay diyaaradaha Helicopter-ka kuwaasoo cidiamada gaarsiinayay agabka ay u baahan yihiin, sidoo kale waxaa ka qeybgalaay ciidamo si aad ah u tababaran oo Soomaali ah, kuwaasi oo ahaa kuwo si aad ah u yaqaan xeeladaha Dagaalka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)