|
Maxkamadaynta dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo hayso inay ka mid yihiin Burcad badeeda oo ka bilaabatay wadanka Faransiiska
Mogadishu Talaado 22 May 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Maxkamadaynta dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo hayso inay ka mid yihiin Burcad badeeda oo ka bilaabatay wadanka Faransiiska.
Maxkamad ku taala magaalada Paris ee xarunta wadanka Faransiiska ayaa maanta bilawday dhageysiga dacwad loo haysto 6 ruux oo Soomaali ah oo lagu eeedeeyay inay ka tirsan yihiin burcad badeeda Soomaaliyeed.
Dhalinyaradaan Soomaaliyeed ee maxkamadeyntoodu socoto waxaa loo haystaa inay gacan biyoodka Cadan ka qafaasheen doon nooca lagu dalxiiso ah oo laga leeyahay wadanka Faransiiska sanadkii 2008 taasi lagu magacaabo Le Ponant.
Wararka laga helayo maxkamada magaaladda Paris ee qaadaysa dacwada loo haysto muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa sheegaya inay wajihi doonaan xukuno adag oo uu ka mid yahay xabsi daa’in.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku waramaysa in muwaadiniintaan oo da’doodu u dhaxeyso 25, jir illaa iyo 50 sano jir ayaa waxaa si gaar ah loogu heystaa inay argagax galiyeen dad u dhashay dalka Faransiiska xilli ay dalxiis ku jireen wararka qaarna waxay sheegayaan in qaarkood ay maxkamada ka hor dafireen inay wax lug ah ku leeyihiin dambiga loo haysto.
Ciidamo si gaar ah oo Faransiis ah ayaa raggaan ka qabtay barriga Soomaaliya kadib markii la siiyay lacago madax furasho ah oo ay dalbadeen.
in ka badan 20 ruux oo Soomaali ah oo loo haysto inay burcad badeed yihiin ayaa la sheegaa inay dacwadooda ka socoto maxkamada ku yaala wadankaasi Faransiiska.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|